|

Mujaahid Boobe oo Si Adag uga Hadlay Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee 26ka Juun+ Jawaab Kulul Ka Bixieyy Hadal Ka Soo Yeedhey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya DAAWO

Hargaysa 29. June 2017 (SDN/QJ):- Mujaahid/Siyaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo sida oo kale na ah qoraa iyo taariikh-yahan xeel dheer, ayaa si aada uga hadlay qaladaad dhinaca magacyada gabayo iyo taariikho ku jiray khudbad habeenkii 26kii Juun uu magaalada Muqdisho ka jeediyey Madaxweynaha dalkaasi Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasi oo ku saabsanaa gabayadii loo tiriyey maalintii xornimada ay Somaliland ka qaadatay dawladdii Ingiriiska iyo weli ba taariikhda 26ka Juun.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo arrimahan kaga hadlay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sida oo kale waxa uu jawaabo adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha Aqalka-Sare ee Baarlamaanka Somaliya Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaasi oo ku saabsanaa calanka Somaliland ee hada ka taagan dalka.

Comments are closed