|

8 Qodob Oo Laga Soo Saaray Wada-hadalladii Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Ee Jabuuti Ku Qabsoomay

Jabuuti 31.March 2017 (SDN/QJ):- Wada-hadalladii Maalmihii u dambeeyay Magaalada Jabuuti uga socday Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa laga soo saaray Qodobbo khuseeya Mustaqbalka.

Qodobbada ka soo baxay Wada-hadalladaasi oo ka kooban 8 Qodob, kuwaasi oo dhammaantood la isku afgartay.

War-murtiyeedka ayaa u qornaa sidan “Waxaa 25 March 2017 ilaa 29 March 2017 ka bilaabmay shir ay isku yimaadeen Guddida Wada-hadalka ee Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo ka qabsoomay Dalka Djibouti.
Shirkaas oo ku bilaabay, kuna dhamaaday is afgarad qodobadii laga wada hadlayey.
Shirkaas waxaa laysla gartay, oo ka soo baxay qodobadan soo socda:
1. Waxaa laysla qaatay in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad), si buuxdana u tageerno, iskuna garab taagno Guddida nabadeynta ee hawshaa gacanta ku haysa.
a. Waa in wixii faro galin ah, gudaha iyo dibadaba ee wax yeelayn kara nabadeynta labadaas Beelood meel looga soo wada jeesto.
2. Waxaa si buuxda layskula qaatay in hawlaha Abaaraha iyo horumarinta deegaamadaas layska kaashado si wadajir ah.
3. Waxaan si wadajira ugu baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, ay ka hawl galaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka aaney hore u tagi jirin, halkaas oo aaney imika wax nabadgelyo daro ahi ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.
4. Waxaa laysla gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada, sidaa daradeed waa in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aaney hore uga jirin, ha’yadaha samafalkuna doorkooda ka qaataan.
5. In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara hanaanka wada-hadalada laba dhinac.
6. In wixii dhiig iyo dhaqan ku saabsan lala kaashado goloyaasha dhaqanka si wadajira.
7. Waxaa laysla qaatay in guddidii farsamadu soo diyaariso qabashada shirka danbe , soona cayinto goorta iyo goobta sida ugu dhakhsaha badan.
8. Waxa laysla qaatay in yoolka wadahadaladeena uu saldhig u yahay is aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo, horumar dhan kastaba ah.

Gudoomiyaha Waftiga Somaliland
Mr.Maxamed Mixile Boqore.
_____________________________
Gudoomiyaha Waftiga Khaatumo
Mr.Maxamoud sheikh Cumar Xasan.
______________________________

Allaa Mahadleh.

Comments are closed