Dimishiq Sept 13,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al Asad ayaa wareysi uu siiyay TV laga leeyahay dalka Ruushka waxa uu uga waramay qorshaha hub ka dhigista dalkiisa ee Ruushku soo bandhigay iyo sixiixa sharciga caalemiga ah ee Xadidaada hubka Chemicals-ka.
Asad ayaa sheegay in qorshahani uu ka yimi dalka Ruushka isla markaana loo bahan yahay in uu noqdo mid u dhexeeya dawladiisa iyo hay’ada caalemiga ah ee xakameysa hubka sunta ah “the Organization for the Prohibition of Chemical Weapons”.
Waxaanu intaa raaciyay in dawladiisu qaadan doonto mudada bisha ah ee looga baahan yahay in ay xogta hubka Chemical-ka ah ay ku soo gudbiso.
Madaxweynaha Syria ayaa intaa raaciyay in qorshahn hubka dhigistu uu shaqeyn doono oo qura hadii Mareykanku uu ka baaqsado caga jugleynta Colaadeed.
Sidoo kale Madaxweyne Asad ayaa sheegay in loo baahan yahay in Mareykanku ka maago hubeynta kooxaha mucaaridka ku ah xukuumada Syria.
Dalabyadan oo idil ayaa Mareykanku ku sheegay qaar aan waxba ka bedeleyn mowqifkooda ku wejahan hubka dhigista Syria.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com
