Uncategorized

“ arrinta shirkaddaasi u baxday ma aha mid aynu isku tuurtuurno, arrintaasina kusooo booddo aan waxba la inagala socodsiin bay ahayd.” Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa:13-Sep-2013(SDN)-Guddoomiyaha XisbigaTalada Dalka Haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii  ugu horraysay ka hadlay dhaliilo xukuumadda ay u jeediyaan axsaabta mucaaradka ahi oo la xidhiidha shirkadda shidaal qodista ee dalka ka baxday iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ee duulimaadyadeeda joojisay.

ina biixiGuddoomiye Muuse ayaa tilmaamay carrabkana ku adkeeyey in wixii qaranimada lafo-jab ku ah aan la isku tuurtuurin, maadaama ay halis intaas ka fog keeni karto. “Marka ay qaranimada joogto aan ka midowno dhibaato aynu wada leenahayna yeynaan isku tuurtuurin, waayo Haddii ay sidaasi dhacdo waynu jabaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Muuse tilmaamay inay xisbi ahaan u dhego nugul yihiin dhaliisha mucaaradkooda, islamarkaana diyaar u yihiin inay dhegaystaan talooyinka loo soo jeediyo, waxana uu yidhi, “Dhaliil iyo canaanna annagaa xilka u haynoo waanu u dul qaadanaynaa, qodobka nalagu garaaco ee ah talada ma qaadataanna, waa Ballan  oo dhegahayagu way  idiin furan yihiin oo waydin maqlaynaaye waynu isa soo gaadhi la’nahay.”

Dhinaca kale Guddoomiye Muuse Oo     Ka Hadlayey Munaasibad  caleemo-saar suldaan  ahayd ayaa ka hadlay Sababaha ay shirkaddii shidaal qodista ee Genel Energy dalka uga baxday, “Labada arrimood ee maanta inagu soo kordhay oo midi tahay shirkaddaa baxday ee shidaalka qodaysay, arrinta shirkaddaasi u baxdayna ma aha mid aynu isku tuurtuurno ma aha caalamkana ragbaa u tashada, arrintaasina kusooo booddo aan waxba la inagala  socodsiin buu ahaa, Amar shirkadda Madaxdeedii yurub joogtay ka yimi  buu ahaa, wixii dhacay si loo helo laba wasiir baa loo diray london wixii shirkaddu ka diddayna iyagaynu ka sugaynaa ma aha wax dhexdeena ah, Haddii ay noqoto inay dawladaha waaweyni yidhaahdaan Somaliland ma aha nabad ka yeeli mayno horena waa ay inoo yidhaahdeen.” Ayuu yidhi Muuse Biixi cabdi.

Mar uu Guddoomiyuhu ka hadlayey Shirkadda Ethiopian Airline ee Duulimaadyadeeda joojisay, waxa uu yidhi, “Ta labaad waa Ethiopian Airline iyana waa la mid laba wasiirna waa I dirnay, rakaabkii ay keentay ee soo qaadday, masuuliyaddu iyaday saaran tahay inaanay dadkan jactadin oo ugu yaraan jigjiga u qaaddo oo ay  diyaarad ka saarto, dadkiina dhibaataa ku dhacday laakiin dhibaato aanu wax ka qaban karno ma aha, waayo ilaa London ma qaadi karno.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga  Mucaaradka ah Waddan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa  hadalka muuse ee ku wajahan shirkadda shidaalka ka jawaabay, waxana uu sheegay kaliya inay Haboonayd in dadka loo warramo oo wax loo sheego, “arrinta shirkadda dalka ka baxday xukuumadda ayaan dadka uga warramin markaa eed kale ma jirtee dee warka uun dadka ha u sheegto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com