Uncategorized

Afhayeenka Mucaaridka Jabuuti oo loo aaneyay in Xukuumada Jabuuti aaney xabsiga ka sii deyn Culmo mudo u xiran

Jabuuti Sept 13,2013(SDN)-Xukuumada Jabuuti ayaan weli xabsiga ka sii deyn culumo xabsiga ay mudo haatan ku heysay oo lagu waday in dhawaan la sii daayo.

Xukuumada ayaa sida caadada u ah aanan ka dhabeyn inta badan balan qaadyada ay u sameyso mucaaridka.

Mucaaridka Jabuuti ayaa taageereyaashooda iyo saxaafada si horudhac ah ugu sheegay in wadaada la sii deynayo.

Hadal heynta ugu badan ee la xidhiidha sababha xukuumadu aaney u sii deyn wadaada ayaa ah in afhayeenka dalada mucaaridka Jabuuti ee USN Dahir Axmed Farax uu sii deynta siyaasadeeyay.

Sidoo kale waxa la sheegay in uu afhayeenku taageereyaashiisa u sheegay in uu isagu ka danbeeyo siideynta culimada.

Arintan ayaa loo aaneyay in xukuumadu ay ka dhega adeygto siideynta maxaabiista.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com