Uncategorized

Laanta Xisbiga Waddani Ku leeyahay UK Oo Xukuumadda Ugu Baaqday in Guddi wada-jir ah loo Saaro Muranka Ka taagan Diyaaradda Ethiopian Airline

LondonL:13_Sep-2013(SDN)-Wadatashi  iyo Naaqishaad dheer oo ay ay ka yeesheen Xubnaha Guddiga Xisbiga Waddani Laantiisa UK oo uu horkacayo Gudoomiye Ahmed Ali Nahi ayaa loo arkay muhiim in  talo laga geysto sidii loo furdaamin lahaa arrinta Diyaaradda Ethiopian Airline oo muran xooggani ka taagan yahay.

WADDANIXisbiga Waddani laantiisa UK markii ay arrintaas Rog-rogeen, waxa ay soo saareen war-saxaafadeedkan, “Arimaha ka taagan garoonka Hargeysa waa arin aan u cuntamayn shacabka S/land waana nasiib- xumo in Xukuumadu jawaab cad ka bixin weydo fadeexadan hadhaysay dhismaha Airport-ka Caasimada Waddanka ee Hargeysa, mana aqbalayno in Wasaaradii jawaabta arintan khaaska u lahayd ee looga fadhiyayi Guryaha isku soo xidhaan”.

hadaladani waa qayb ka mid shirkan jaraa’id ee Afhayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa UK Mudane Qasim Aadan Saleebaan ku qabtay Xafiiskiisa magaalada London.

 

Afhayeenka ayaa ka dhawaajiyey werwerka ay ka qabaan dadkan mudada ku xanibnaa Airport-ka ee qaarkood ay hada u suurto gashay inay soo ambabaxaan iyagoo weli ku xaniban Airporarada Ethiopia. iyo isagoo ugu baaqay in xukuumadu gudi iskudhaf ah u saarto arintan. isagoo dhinaca kalena baaq u diray dadka ku xaniban Airporaradaas.

 

Xisbiga Waddani Laantiisa UK waxay ka codsanaysaa in dadkii reer UK ee arintani saamaynta ku yeelatayi nala soo xidhiidhaan marka ay soo guryo noqdaan si xuquuqdooda loola baadi doon.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Afhayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa UK

Mudane Qasim A Saleebaan

kasslmn@aol.com

London