Kismaayo:13-Sep-2013(SDN)-Qaraxaas ismiidaaminta ahaa oo la soo sheegayo inay ku dhinteen in ka badan15-qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen30-meeyo kale, ayaa ay ku jiraan dad caan ka ahaa Deegaanka Kismaayo iyo deegaamada kale ee somalidu degtoba.
Suldaan Jaamac oo kamid ah Salaadinta ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa ka warbixiyeey Qarax ismidaamin ah oo lala Eegtay Wafti uU Axmed Madoobe Hogaaminayey.
Suldaanka ayaa sheegay in Qaraxaas ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidamada Jubba iyo sidoo kale Dad badan oo Shacab ah kuwaas oo ka ag dhawaa halka qaruxu uu ka dhacay.
Dadka ku geeriyooday qaraxaas ayaa waxaa kamid ah Suldaan Maxamed Deeq Maxamuud Heybe oo kamid ah Salaadinta Beelaha Absame ee lasocday Axmed Madoobe.
Labo Sarkaal oo katirsanaa ilaalada khaaska ah ee Axmed Madoobe iyo afar ciidamadiisa ah ayaa sidoo kale lasoo sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen.
Warar si hoose u soo baxaya, ayaa sheegaysa in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ee saraakiisha maamulka Jubba ay sii korodho, maadaama aan wali warar rasmi ah la sheegi Karin oo dhaawacyo halis ahi ay jiraa.
Xaalka Kismaayo ayaa wali ah mid kacsan, magaaladana waa bandow, dadka guryaha ayay ku jiraan, howlgalada soconayana waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada Amisom.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com
