Minneapolis Sept 14,2013(SDN)-Gudiga Cuqaasha Somalida America ee loo yaqaan [Somali American Intellectual Council] iyo Qurbojoogta Jubbaland ee Waqooyiga America ayaa war ay soo wada saareen si adag u cambaaraynayaan falkii fulaynimada ahaa ee nafti haligahii waday gaariga bamka lagu rakibay ee ku qarxay ergadii Jubbaland ee uu hogaaminayey Sheikh Ahmed Mohamed Islam (Madobe) ee waqtigaa ku sugnaa koonfurta magaalada dekada ah ee Kismaayo.
Waxay intaa ku dareen in ay u tacsinayaan guud ahaan dadwaynaha reer Jubbaland, gaar ahaana eladii dadkii Soomaaliyeed ee ku nafwaayey. Sidoo kale, waxay cadayeen in hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin dadka reer Jubbaland, isla markaana Alle ugu baryaanyaan kuwa ku dhawacmay in dhawacooda u fudeeyo – Aamiin.
Ogaysiin dib u dhigada xafladii heshiiskii Jubbaland Administration iyo Dowlada Federaalka
Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa uu intaa ku daray in tixgalinta falka dacay iyo baroordiiqda loo baahan yahay marka gumaad kan oo kale ah uu dhaco, waxaan go’aan ku gaarnay in aan joojino xafladii/banaan bixii lagu waday in lagu taageero shirkii lagu taageeraayey heshiiskii lagu gaaray Adis Ababa iyo isbadelka Maamulka Jubba. Iyada oo xaflada la qaban doonaa markale, ayaa la idila soo soconsiin doonaa taariikhda la qaban doono.
Mahadsanidiin
Waxaa magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota idiinka soo diray Mohamed Barre – Junlay – junlay99@aol.com
