Ceerigaabo 16.Sep 2013 (SDN)- Shirkada Botos Marine LTD ayaa markii ugu horaysay madax ka socotaa ay soo gaadhay magaalada Ceergaabo waxaana masuuliyiinta shirkadaasi madal loo dhan yahay iyo munaasibad laysku arkay ay ku qabteen xarunta maamulka degmada ceergaabo.
Munaasibadaasi oo ay kasoo qaybgaleen, Maamulka iyo Masuuliyiinta gobolka iyo Degmada, Ganacsatada Gobolka Sanaag, Iskaashatooyinka Kaluumaysata Xeebaha gobolka, Waayeel iyo Marti Sharaf kale.
Shirkada Botos Marine LTD ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee shacab weynaha reer Somaliland ganacsatada, maalqabeenada iyo Danyartaba si isku mid ah u rajo gelisay.
Fikirka iyo hindisaha shirkadan oo ah mid ka yimi, Aqoonyahano iyo Qurbajoog Maal qabeeno u badan oo si xeel dheeri ku jirto meel durugsan uga eegay baahida loo qabo ka faa’iidaysiga khayraadka dihin ee ku duugan badaha dalkeena iyo boobka baahsan ee wadamada shisheeyuhu ay ku hayaan khayraadka badaheena ayey ka dhalatay shirkada Botos Marine.
Aasaasayaasha Shirkadu iyagoo ka duulaya la dagaalanka kootada, Fursad siinta dadka si siman ayaa waxaa bulshada reer somaliiland gudo iyo debedba loo ogolaaday si Cidkastaaba u faa’iido ugana dhex muuqato shirkada in cid kastaaba karaan keed maal gashato.
Wejiga koowaad ee maalgashiga shirkada oo loogu talo galay in la geliyo lacag dhan 5Million oo Doller ayaa Madaxda iyo Masuuliyiinta shirkada Botos Marine LTD waxa ay Munaasibado waaweyn oo bulshada loogu bandhigayo maalgashiga shirkada si’loo helo cadaalad iyo sinaan meeshana ay uga baxdo wax kasta oo mad-madow keeni kara waxa ay ku qabteen dhamaanba Gobolada Dalka oo dil.
Munaasibadii ugu Dambaysay oo lagu qabtay magaalad Ceergaabo ayaa waxaa si qoto dheer uga waramay qaar kamid ah madaxda shirkada waxaanay ku dheeraadeen doorka horumarka iyo khayraadka dalka ay ka qaadan doonto shirkadu, iyo sida hirgelinta shirkadani uu meesha uga saari doono ka qatanaantii qarniyada faraha badan ee khayraadka dalka, doorka shaqo abuurka da’yarta badaha ku idlaatay, waxaana masuuliyiinta shirkadu shaaca ka qaadeen in wejiga koowaad shirkadu yeelan doonto laba fadhi oo kala ah Magaalo Xeebeedyada Berbera iyo Maydh.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Degmada waxgardka reer sanaag iyo dhamaanba dadkii halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna siweynusoo dhaweeyey shirkadan oo ay ku tilmaameen waqal roobaad oo Curashadeedu Dalka oo dhan wada gaadhan, faa’iidadeeduna ay dadka wada gaadhi Doonto.
Si kastaba ha ahaatee soo dhaweynta oo taageerada shirkadan ayaanay dadweynaha reer sanaag Dan yar iyo ku taajira aanay u kala hadhin, waxaanay noqotay toobiyaha taageerada shirkadu mid aanay ku kala guud ahaanba bulshada reer Somaliland dal iyo debedba.
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com
