Uncategorized

Nin Somalia ah oo ka Mid ahaa Dablaydii Weerartay Xarunta Ganacsiga West gate oo la aqoonsaday

Nairobi 07.October 2013 (SDN)- Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada iyo magacyada labo nin oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii argagixisada ee Westgate ee magaalada Nairobi.

Xareed-Maxamed-300x184Labada nin ayaa kala ah Cabdiqaadir Xareed Muxumad oo ku magac-dheer Muxumad Xuseen. Waa Soomaali Kiinyaan si fiican ugu hadla luuqadda Kiswahiliga, kana soo jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi-bari.

Ninka kale ayaa lagu sheegay magaciisa Aadan Deeq oo ku magac-dheer Xuseen Cabdi Cali. Wuxuu ka soo jeedaa Soomaaliya, waxa uuna ku hadlaa Kiswahili jajaban.

Madaxa booliska Kenya David Kimaiyo ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo dhan $5,727 oo la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta xarigga labada eedeysane.

Labada eedeysane waxaa loo haystaa inay kooxdii argagixisada gaari ku geeyeen gudaha xarunta dukaamada Westgate.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com