Ottawa Oct 23,2013(SDN)-Haweeney ku nool dalkan Canada ayaa la sheegay in ay umushay ilmo yar shalay inkasta oo aaney la socon in ay uur leedahay.
Kendra Reid oo 23 jir ah ayaa sheegtay in habeen hore ay dareentay dhidid badan oo ka socda iyo caloosha oo xanuuneysa ka dibna ay suuliga tagatay.
Haweeneyda ayaa sheegtay in calooshu sii xanuuntay kolkeey suuliga tagatay ka dibna ay halkaa ku foolatay.
Ilmihii yaraa ayaa ilbiriqsiyo ka dibna waxaan fooshay bey tiri ilmo yar oo biyaha ku dhacay bay tiri.
Ilmaha oo culeyskiisu ahaa 8 pound ayaa la yaabku noqday in haweeneydu aaneyba ogeyn in ay uur laheyd,sida ay saxaafda u sheegtay.
Haweeneyda ayaa sheegtay in ay hore isugu aragtay in xiliga caadadeedu ay aad u kala duwan tahay.
“Runta hadaan sheegana waxaan moodayay uun in culeys saaid ahi i fuulay oo aan raashin faro badan cunayay”ayaya tiri hooyadu.
“Waxaan la yaabi jiray dumarka yiraahda maan ogeyn in aan uur leeyahay ee caruurta dhala,iminkase waan arkaa”ayay mar kale tiri Kendra Reid.
Ma aha markii u horeysay ee woqooyiga America ay arin noocan oo kale ahi la arko ,oo waxaa jira barnaamij idil oo la yiraahdo”maan ogeyn in aan uur leeyahay”.
SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com
