London Oct 23,2013(SDN)-Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war bixin ay soo saartay ku soo bandhigtay in Mareykanku uu dalalka Yemen iyo Afgaanistaan ka fulisay weeraro ay dad shicib ah ku dhinteen oo baal marsan shuruucda Caalamka.
Hay’adu waxa ay sheegtay in weerardan oo Mareykanku uu sheegay in uu ku bartilmaansaday kooxo xag jir ah ay ku dhinteen dad rayid ah oo dumar iyo caruuri ay ku jiraan.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Mareykanku joojiyo weerarada uu u isticmaalo duyuuradaha aaney cidi wadin ee Drones-ka loo yaqaano.
Sidoo kale HRW waxa ay intaa raacisay in loo baahan yahay in Mareykanku uu magdhaw siiyo qoysaska eheladoodu ay ku dhinteen weerarada.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
