Hargaysa 24.October 2013 (SDN)- Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Waxbarashada Mudane Sam Sam Cabdi Aadan ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Wadamada Masar,Ingiriiska iyo Jabuuti.
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxay kulan kula Yeelan doonaan Mas’uuliyiinta sar sare ee wadankaas,Sheekha Jaamacada Al Azhar, Madaxda Jaamacada Carabta iyo Mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay wasiirka hawlaha guud ee dalka Masar.
Wasiirka arrimaha dibada waxay Madaxdaas kala duwan ka wada xaajoon doonaan sii xoojinta xidhiidhka labada wadan ee dhinacyada Siyaasada dibada,horumarinta,Iskaashiga,Waxbarashada, iyo Weliba sidii labada dal u yeelan lahaayeen Xidhiidh hor leh oo sidii hore ka sii dhow.
Dhinaca Jaamacada Carabta ayaa warku sheegayaa in Weftiga Somaliland iyo Ururka Jaamacada Carabtu ay ka wada hadli doonaan sidii loo furi lahaa bog cusub oo u bilaabma Jaamacada Carabta iyo Somaliland iyo hanaankii ay Somaliland uga Mid noqon lahayd Ururka Jaamacada Carabta.
Mudada ay Weftigu joogaan dalka Masar waxaa kale oo ay la Kulmi doonaan hay’ada Masar u qaabilsan Maalgashiga Caalamiga ah, Halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo la Xidhiidha Sidii ay Jamhuuriyada Somaliland ay kaalmo dhinaca horumarinta ah uga heli lahayd hay’ada Maalgashiga ee dalka Masar.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadu waxay markaas kadib u Kicitimi doonaan dalka Ingiriiska iyagoo magaalada London kulan kula yeelan doona Wasiirka arrimaha dibada ee Uk William Hague iyagoo isla eegi doona sii Xoojinta Xidhiidhka dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal, Wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo Qodobo kale oo Muhiim ah.
Weftigan ayaa Socdaalkooda ku soo gabo gabayn doona dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay isna ku kulmi doonaan Madaxda Sare ee dalkas.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
