Maxaad ka ogtahay fadeexada ku xeeran saami qaybsiga heshiiskii shirkada shidaalka DNO iyo dawlada Somaliland
Waxay dhawaan Somaliland soo bandhigtay heshiis ay la saxeexatay shirkad ka soo jeeda dalka Norway oo la yidhaahdo DNO oo shidaal ka sahamin doonta (block SL-18). Shirkadan DNO oo laga leeyahay dalka Norway ayaa ah shirkad mug ahaan dhex dhexaad ah dhanka waynida, dilaaliina ah (brokers).
Haddaba shirkadan oo heshiis wadaag la saxeexatay dawlada Somaliland ayaa bogged ku soo bandhigtay hoos ku xardhan heshiiskan oo ay ku tilmaamayso inay dhulkan qiyaastiisu tahay 12.000km wixii khayraad ah ee ka soo baxa ay shirkadu leedahay 100% halka dawlada Somaliland ayna hantida waxba kulahayn ee ribada (interest) faa’idada dulsaaran laga siin doono oo kaliya 10% marka shirkadu ka qaadato dhamaan kharashka ka galay iyo wixii faa’ido ah oo gabi ahaanba ka saaraysa heshiiska in dawlada Somaliland hantida wax ku leedahay.
http://www.dno.no/dno-operations/somaliland/
Haddaba haddii aad barbar dhigto dawladaha shidaalka soo saara sida abu-dhabi oo kalee waxa si cad ugu dhigan heshiisyada ay la galaan shirkadaha shidaalka qoda inay dawladu leedahay sami 60% halka shirkadaha oo isku tagay ay leeyihiin 40%.
Waxa intaa dheer inay dawaldaha aduunku balooga (block) ugu badan ee shirkadaha ay siiyaan tahay 3000km2. Tusaale ahaan shirkada Genel dhulka ay ku leedahay kurdistaan waa 950km2 halka ay Somaliland ay ku leedahay dhul baaxadiisu dhantahay 42,000km2 dhul ka wayn baaxad ahaan dalka in la jaarka ah ee Djibouti, sidoo kale waxay shirkadan u saxeexday dhul dhamaystiran 12,000km2 shirkadan DNO. Sida wasiirka macdantu sheegay laftiisu hantidii Somaliland ay lahayd waxa la kala siiyay shirkad tiradoodu dhan tahay ilaa 7 shirkadood oo xisaab ahaan qaatay hantiidii Somaliland (asset) ilaa 50%
www.genelenergy.com/operations/somaliland.aspx
www.genelenergy.com/operations/kurdistan-region-of-iraq/taq-taq-psc.aspx
Dawladahu waxay u haystaan khayraadkooda si ay markii loo baahdo loogula gorgortan tago si ay u xaqijiyaan danno qaranku leeyahay mustaqbalka. Haddaba dawaladan Somaliland oo ku dhawaad bixisay hantidii ay lahayd iyadoo aan la aqoonsan oo ay ku bixinayso qiyaas dhuleed ayna aqoon u lahayn, iswaydiintu waxay tahay maxaa inoo hadhayo haddii la ina ictiraafo.
Waxaana xusid mudan in dadwaynaha Somaliland ogaadaan in haba yaraatee shirkadahan dilaaliintu ayna soo saarayn shidaal hase ahaate ay damacsan yihiin inay dib u iibiyaan (licence) ama ogolaanshaha ay Somaliland siiso oo ay ku iibin doonaa 2 dollar barmeelka oo loo yaqaan (fair value in the ground) oo ah qiimaha lagu qiimeeyo hantida dhulka ku jirta intaan la soo saarin. Arintan oo aan ahayn markii ugu horaysay ahayn, ee hore loo kala iibsaday hantida Somaliland iyadoo aan lasoo saarin taas oo dhex martay shirkada Genel iyo ganacsade reer Somaliland ah oo lagu kala iibsaday 2 milyan oo doolar.
Haddaba su’aasho waxay tahay ma wasaarada macdanta ayaan aqoon u lahayn suuqyada aduunka iyo xeerarka shidaal sahaminta oo garasho la’aan ayaa meesha taala, mise waxa rumoobaysa tuhunka hore u jiray ee ah in wasaarada macdanta iyo wasiirkeedu ay u darran yihiin duulduulka yar iyo gubbaynta ee ay shirkadahan dilaaliintu ugu shubayaan jeebkiisa oo haba yaraatee aanay jirin in loo tudho hantideena Somaliland. Waa mid taariikhdu sheegi doonto wasiirkana lagu xasuusan doono.
Khaddar basher
syedkhadarbashir@gmail.com
