Muqdisho 17.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.
Tarsan ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn xilligan inuu ka mid noqdo golaha wasiirrada, isagoo xusay inaan lagala tashan markii lagu soo darayay liiska golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah.
Wuxuu uga mahadceliyay raysul wasaaraha iyo madaxweynaha xilka ay la jeclaadeen ee xukuumadda.
Waxaa Goor dhaw ku dhawaaqay in uu xilkii iska Casilay Wasiirka kuxigeenkii Wasaarada Tamarta iyo Biyaha ee Xalay la magacaabay.
Wasiirku Kuxigeenkii hore ee C/kaafi Macalin Xasan oo shirjiraa’d ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xilka uu iska Casilay islamarakaana uu Arunta uu iska casilay ay tahay Musuq maasuq iyo la tashi la’aan.
waxaa uu sheegay in uu san wax ka ogeen Magacaabista xalay lagu magacaabay islamarkaana uu Cadaalad daro ka dabanayo Madaxda Dalka oo uu sheegay in ay u dhiibeen Xil uu san u qalmin.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuuur Tarsan ayaa sidoo kale maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay Xilkii Wasiirkuxigenka ee Xaly Loo magacaabay.
.
Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 25 wasiir, ku-xigeennadooda iyo 5 wasiiru-dowle.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
