Uncategorized

Ra’isal Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo Nidar ku Maray inay Sii Wadayaan La Dagaalanka Alshabaab

Muqdisho 17.Jan 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay in ay xukuumaddiisa sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

cabdiweli-sheekh2War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay xukuumadda cusub ku dadaali doonto horumarinta hay’adaha dowladda, maaliyadda guud iyo nidaamka federaalka ah.

Raysul wasaaraha ayaa xusay in ay xukuumaddiisu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonto dhammeystirka horumarrada la gaaray sanadkii hore, si ay Soomaaliya u gaarto meesha ugu wanaagsan ee uu ku haminayo qof kasta oo muwaadin ah.

Wuxuu xusay in ay Soomaaliya  hadda heysato fursad cusub oo ku hagi karta gaarista heer lagu faani karo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com