Nairobi:Feb-06-2014 (SDN)-Afar Qof oo Soomaaliyeed oo uu ku Jiro Diblomaasi ka Tirsan Dawladda Somalia ayaa Maalintii Shalay ka Soo Muuqday Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya.
Tirada Ragga Soomaalida ah ayaa Lagu Soo Oogay Dambiyo la Xidhiidha Weerarro Laga Fuliyey Dalkaas Sida ay Warkbaahina Kenya ku Warrantay.
Markii maxkamadda la soo taagay afartooda waa ay diiddeen eedeeha loo soo Jeediyey, iyagoona intaas ku daray in eedeeha loo soo xidhay been abuur yihiin.
Afarta qof ee maxkamadda ka soo muuqday ayaa kala ah Mr Hassan Abdi Mohamud, Mr Mohammed Osman Ali, Mr Ilyas Yusuf Warsame iyo Mr Garad Hassan Fer Oo dhammaantood Soomaali ah.
Kooxdan ayaa Si gaar ah loogu Eedeeyey Weerar Haatan ka Hor ka Dhacay Hutel Java Restaurant kuna dhex yaalla garoonka diyaaradah Jomo Kenyatta International Airport bishii January 16.
Kenya ayaa aad u adkeysay ammaanka dalkeeda kaddib markii dhawaan hey’addaha sirdoonka Maraykanka ay ka digeen weerarro Al-Shabaab ay ka geysato waddamada ciidamada ugu deeqay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Maxkamaddaynta Dadkan ayaa la Sheegay in dib laga Furi Doono, iyadoo Ilaa iyo Haatan aanay Jirin Wax Dembi ah oo ay Qirteen amaba Cid ku Marag Furtay.
S.D.N
