Uncategorized

“Ma oggolaanayno in dhallinyarada la baro xagjirnimo” Madaxweynaha dalka Kenya

Nairobi 08.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin xarumaha lagu cibaadeysto in loo isticmaalo in dhallinyarada lagu baro asal-raacnimada xagga diinta ah.

Kenya's fourth president, Uhuru KenyattaHadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay oo Jimco ahayd masjidka Musa ee magaalada Mombasa ay dib uga soo cusboonaadeen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada booliska iyo qaar ka tirsan dadka ku cibaadeysta masjidka.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Kenya oo ay ku jiraan macbadyada Hinduuga, masaajidda Muslimiinta iyo kaniisadaha Kirishtaanka in loo isticmaalo goobo asal-raacnimo oo halis lagu geliyo nolosha dadka Kenyaanka ah.

Iska hor imaadyo toddobaadkii hore booliska Kenya iyo koox dhallinyaro ah ku dhexmaray masjidka Musa ee Mombasa ayaa waxaa ku dhintay 2 qof, wuxuuna boolisku qabtay 100 qof  oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com