Hargaysa 08.Feb 2014 (SDN)- Shir Doceedyo ayaa Caawa Ka Socda Guriga Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland,Kaas oo ay Goobjoog ka tahay Marwada Koowaad Ee Dalka Aamin Weris Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo Uugu Tun Wayn Yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Xildhibaano Aqalka Wakiilada Qaarkood.
Waxana Kulanka Caawa Uu Daaran Yahay Sidii Ay Usii Badhi Taari Lahaayeen Khilaafka ay Lugta ku leedahay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee Ka dhex Aloosan Aqalka Wakiilada ,Waxana Maalmihii u dambeyayba Laysla Dhex Marayay In Lacagahan Wasiir Xirsi Uu Ku Kharash Garaynayo Golaha Wakiilada sidii uu Qas Iyo Qalan Qal u Geli lahaa ay Tahay Lacagihii Lagu Urursaday Dhismaha Wadada Ceerigaabo.
Kulankan Caawa Ee Hadda Ka Socda Guriga Madaxwayne Ku Xigeenka Ayaa Sida La Sheegay Marwaddu Ku Yaboohday Inay Kordhinayso Lacagihii Hore Ee Lagu Baayacay Xildhibaanada Si Loosii Waddo Fara Gelinta Qaawan Ee Xukumaddu Ku Hayso Golaha Wakiilada
Madaxwayne Axmed Silaanyo Ayaa Maanta Dhankiisa Iska Fogeeyay Inuu Ogaal Ka Yahay Fara Gelin Xukumadisu Ku Hayso Wakiiladda Hase Ahaate Marwadda Madaxwaynaha Iyo Wasiir Xirsi Ayaa U Muuqda Kuwa Gebi Ahaanba Maroorsaday Taladdi Dalka
Sikastaba Ha Ahaate Lacagaha Lagu Kharash Garaynayo Carqaladaynta Habsami Usocodka Hawlaha Golaha Wakiilada ayaa Ah Lacagihii Shacbiga Looga Urursaday Wadada Ceerigaabo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
