Uncategorized

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo dhinac Isaga Leexisay inay Is Daba Marisay Shaqaalihii ay Imtixaanka ka Qaadeen iyo Baaxada Shaqo doon oo Hafiyay

Hargaysa 14.Feb 2014 (SDN)- Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube ayaa sheegay inay xidheen naadintii shaqaalaha cusub ee ay qaadanayeen oo tiradoodu tahay 45 shaqaale ah oo ka kooban darajooyinka (A, B, C) si ay dhalinyaradda dalka ugu sameeyaan shaqo abuur.

Maxamed Cismaan DubeAgaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube Waxa uu sheegay inay araajidoodii u soo xaraysteen in ku dhow laba kun iyo shan boqol oo dhalinyarro ah, waxaanu xusay inay Imtixaan lagu kala saarayo ay dhawaan ka qaadi doonto Hay’adda shaqaalaha dawladda.

Maxamed Cismaan Dubbe waxa uu sheegay inay tahay markii u horreysay ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay qaadato shaqaale tiradaas leeg oo mar qudha la wada qaatay.

Hadaba, marka la eego tirade dadka soo codsaday shan iyo afartankaas fursadood oo noqotay laba kun oo qof, maxaad ka filaysaa in ay soo codsan doonaan kun iyo afarta boqol iyo shan iyo lixdanka fursadood ee kale ee loo qaadan doono sanadkan hay’addaha Dawladda.

Waxa hubaal ah in ay soo codsan doonaan in ka badan tirade guud ee shaqaalaha Dalku inta ay tahay oo gaadhaysa illaa soddon kun oo qof, hadab ma ku filnaanaysaa kun iyo shan boqol oo shaqaale ah oo sanadkan la qaataa.

Mudadii xisbiga Kulmiye talada hayey oo dhan sadex sano iyo dheeraad waxa ay xukuumaddu qaadatay illaa toddoba kun oo shaqaale ah, iyadoo labadii sano ee u danbaysay min kun iyo shan boqol qaadatay, taasoo ay xukuumaddu ku doodo sanad walba in ay shaqaalayn doonto inta karaankeeda ah.

Ma xuma in sanad walba la qaato shaqaale balse su’aalha yaalaa waxay yihiin maxay ka tari kartaa baahida shaqo la’aanta ah ee Dalka ka jirta, ma yihiin shaqaalah la qaadanayaa kuwo ku salaysan baahida Dalka ee shaqaalaynta mise kuwii hore ee xafiisyada fadhiyey uun bay sii buux dhaafianaysaa.

Haddii si kooban aan uga jawaabno su’aalahaasi dhab ahaantii ma aha mid dabooli karta waayo waxaynu arkaynaa 45 jago oo loo qaadanayo wasaaradda Arrimaha gudaha inta kun ee soo codsatay, sidoo kale wasaaradda Arrimaha guduhu waxay soo bandhgtay shaqaalaha ay u baahan yahay xirfadooda taasoo aan hore loo ogana jirin.

Soo bandhigida xirfadaha ay u baahan tahay hay’ad kasta oo Dawladeed waxay tilmaan cad u tahay ma yihiin kuwii loo baahnaa, may inta badan waxa muuqata wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadku in ay yihiin kuwa ugu badan, marka lagu daro wasaaradda maaliyadda, balse ma muuqdaan shaqaalayn xukuumaddu ku samayso wasaaradaha muhiimka ah ee ay ka sii dabar go’ayaan xirfadlayaashii waayo araga ahaa ee ka hawl-geli jiray, kuwaas oo laga xusi karo Kalluumaysiga, hawlaha Guud iyo Hay’addaha kale ee farsamoyaqaanada u baahan.

Qof kasta oo Reer Somaliland ahi waxa uu qirayaa in ay shaqo la’aantu tahay aafo qaran oo haysata jiilka soo koroya, kuwaas oo dugsiyada lagu soo baro xirfado kooban oo aan ka turjumi Karin baahida Dalka taala taasoo sababtay shaqo la’aanta baahsan.

Abwaan Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi oo ka hadlay toddobaadkan Tahriibka ayaa ku sababeeyey in ay ugu wacan tahay shaqo la’aanta Dalka ka jirta isagoo masuuliyiinta Xilka haya ku canaantay haddii ay u samayn lahaayeen fursado in ay Dhalinyaradu ku negaan lahayd Dalkooda.

Tabasahad ka taagan shaqooyinka Xirfadaha la xidhiidha waxa sanadkii hore dabayaqaadiisii ka dhawaajisay in ay buuxin doonto qaarkood wasiirka wasaaradda waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay Manhajka dugsiyada qaarkood in ay ku dhigi doonaan Xirfadaha loo baahan yahay.

Dugsigii hore ee farsamada Gacanta Hargeysa oo ay maamusho Hay’ada samafal ayaa sanad walba qaata Arday farsamo yaqaano ah oo dhan 120 Arday, kuwaas oo lagu baro xirfadaha Nijaarada, Dabka, Biyo galinta, wastaaadada iyo farsamooyinka ay Haweenku ku xoogsadaan, waxaana sanadkan fursadaas soo doontay Dhalinyaro badan oo aan wax akhris iyo qoris midna aqoonin kuwaas oo xirafada ka sakow loo dhigo Xisaabta iyo Af-somaliga.

Sidoo kale, waxa Dalka ka jira barnaamijyo kale oo shaqo abuur ah kuwaas oo ay maal-galiayaan Dawladdo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Maraykanka balse waxay u badan yihiin kuwo hoose oo aan la dareemin kaalintooda.

Si kasta ha ahaatee Somaliland fursadaha ka banaan ee wax soo saar waa kuwo u baahan in dhalinyarada lagu carbiyo si ay noloshooda ugu tiiriyaan khayraadaka kala duwan ee ay leeyihiin ee Dalka fadhiya.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com