20,Apr.2014(SDN/QJ)-Garyaqaanada dalka Kenya,ayaa madaxda dawaladda waxay ku canbaareeyeen dalabaadda ay dib ugu celinayso dadka Qoxoontiga ah ee haysta Kaadhka Qoxoontinimo Xeryaha Qaxoontiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.
Waxaana ay shegeen in talaabadaasi ay kazoo horjeedo xeerarka Caalamaiga iyo kuwa Gobolkaba.iyaga oo intaas raaciyay in hadii ay sii socdaan dacadiyadda ka dhanka ah dad qoxoontiga ah ee lagula kacayo dadka Somalida ahi ay ka dhalan doonto najiiyo aan la mahadin.
Dhinac kale,waxay Qaryaqaanadu si cad u sheegeen in hawl galada ka ay Ciidamadu ka wadaan Xaafadda Somalidu ay ku badan tahay ee Islii ay mid lagu bartilmaameed sanayo oo kaliya dadka Somaliyeed,taas oo la rabo lagula Wareego Hantida badan ee u taala dalka Kenya,iyada oo logu andacoonayo waxaad tihiin Argagixiso.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay Garyaqaanadda dalka Kenya,ayaa waxay qeyb ka tahay dhaleecayn xoogan oo loogu jeedinayo Ciidamadda Amaanka ee Dalka Kenya habka ay ula dhaqmayaan dadka Somalida ah ee Ku nool Magaaladda Nairobi gaar ahaana,Xaafada ISLII.
SDN/QJ-Nairobi
