Uncategorized

Dagaal Xoogan Oo Maanta Markale Ka Qarxay Magaaladda Beled-Xaawa Ee Gobolka Geddo

baaaaa13,May,2014(SDN/QJ)- Dagaal xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku soo qaadeen fariisimo ciidamo ka tirsan dowladda ku lahaayeen duleedka Beledxaawo ciidamo taabacsan Gudoomiyaha degmada Doolow C/rashiid Janan oo ku magacaaban Wasiir kuxigeenka Maamulka KMG ah ee Juba.

Inta la og yahay ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay oo ahaa dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira barakac ka dhashay dagaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiic la is weydaarsaday ay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Beledxaawo.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Ahlusuna ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo ka yimid Doolow oo uu sheegay in ujeedkooda yahay inay qabsadaan Beledxaawo, si ay maamulka degmada ugu daraan Maamulka KMG ah ee Jubba.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal horaantii bishan ka dhacay, waxaana dagaaladan ay salka ku hayaan awooda maamul ee deegaanada Gobolka Gedo oo ka jira maamul hoos taga dowladda Soomaaliya, kana madax banaan Maamulka KMG ee Juba.

 

SDN/QJ-Belad-xaawa

daacad@qurbejoog.om

contact@somalidiasporanews.com