Hargaysa 13.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo in Mudo ah ku Maqnaa dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta iyo Nayjeeriya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Hargaysa.
Wasiir Maxamed C.laahi oo Qolka Nasashada ee Madaarka Cigaal kula hadlayay Warbaahinta ayaa Sheegay in Magaalada Abuuja ee Nayjeeri uu kaga qayb galay Shir balaadhan oo diirada lagu saarayay Horumarka dhaqaale ee Ka socda Qaaradan Africa iyo fursadaha ka banaan.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay Shir uu kaga qayb galay Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta
Hargaysa SDN/QJ.
contact@somalidiasporanews.com
