Uncategorized

Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo La Sheegay Inay Huteel Casri ah ka Furatay Muqdisho iyo Cidda ay U Wakiilatay

Hargeysa:May,14,2014 (SDN/QJ)-Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland  Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa La Sheegay inay Huteel Weyn oo Casri ah  ka furatay magaaladda Muqdisho ee xarunta dalkaasi Somalia.

aaminaMarwada ayaa la sheegay inay ku qanacday Koritaanka ganacsi iyo Fursadaha ka Bannaan Magaalada Nolosheedu Bilowga tahay ee Muqdisho, waxana warku intaas ku darayaa inay Wakiil ugu Dhigatay Haweenay ah Habar-yar u tahay oo hore gacanta ugu haysay Huteelka Haatan xidhan ee Cali jirde lahaan jirey.

Haweenaydan wakiilka uga ah huteelkaasi ayaa waxa qaba nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse si wayn u taabacsan mabda’a Soomaaliwayn, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Saalax, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dhamaan dawladihii u kala danbeeyey Somaliland ilaa tii Carta, balse imika aan wax xil ah haynin oo ku xoogsada xidhiidhinta madaxtooyooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Sidoo kale dhamaan qalabka lagu furay Huteelka magaaladda Muqdisho ay ka furatay marwo Aamino Waris ayaa waxa laga qaaday magaaladda Hargeysa ka dib markii uu sidii la rabay u socon-waayey huteelkeeda magaaladda Hargeysa, iyada oo ay qalabkaasi u badan yihiin alaabtii ay shirkadda Telesom ka keentay dalka China markii ay dib u casriyeynta ku samaynaysay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale Xuseen Saalax oo ah ninka qaba haweenayda ay marwadda Madaxwayne Siilaanyo habar-yarta u tahay ayaa isagu labadii sano ee u danbeeyey degenaa guriga madaxwayne Siilaanyo ee magaaladda Hargeysa ee xaafadda shacabka.

Furitaanka Huteelka casriga ah ee marwo Aamino Waris ka furatay magaaladda Muqdisho ayaa waxa door mihiim ah ka ciyaaray wakiilka jaaliyadda beelaha Hawiye ee Somaliland Mr Cumar Biinde, kaas oo sidoo kale door laxaad leh ku lahaa imaatinkii madaxdhaqmeedkii Somalia ee dhawaan dalka yimid, isla markaana hawlo badan u fududeeya madaxtooyada Somaliland iyo ta Xasan Culusow-ba.

 

Dhinaca kale arrintan ayaa waxa ka danbaysay dano dhaqaale maadaama oo Huteeladu ay magaaladda Muqdisho ay sameeyaan lacag adag, iyada oo huteelada dabaqada dhexe ee Xamar habeenkii lagu seexdo midkiiba $150, isla markaana qofka la damaanad-qaadayo amaankiisa iyo guud ahaan adeegyada mihiimka ah ee u baahan yahay, ayna ciidan badani ku ilaalinayaan halkiisa.

Arrintan ayaa muujinaysa in qoyska Madaxtooyada Somaliland ay il gaar ah kula socdaan samaynta iyo ka faa’iidaysiga Ganacsiyada ka jira  Gebi ahaanba dhulka Somalida, iyadoo haatanna ay Muqdisho ka fureen kuwii ugu horreeyey.

 

Xigasho Haatuf.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com