Hargeysa:May,14,2014(SDN/QJ)-Waxa Toddobaadyadii ugu dambeeyey Masuuliyiinta Sare Ee Somaliland dhexdooda ka socday Tartar iyo Yoo-yootan ay ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen Fiisayaal(dal-ku-gal) Xukuumaddu ka dalbatay dalal ka mid ah yurub, gaar ahaan ingiriiska oo inta badan ah meesha ay jecel yihiin inay si gaar ah u tagaan.
Waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay caado iyo dhaqan ka dhigay in markasta oo munaasibadda 18-ka may ay soo dhawaato ay Ogolaanshaha Dal-ku-galyada ay yurub ka dalbato si gaar ah uga faa’iidaystaan Shakhsiyaad koobani, kuwaas oo Ehelladooda iyo saaxiibo gaar ah ku kexeeyo fiisayaal loogu talo galay inay dad masuuliyiin ahi ku tagaan.
Masuuliyiinta inta badan maroorsada Fiisayaashan marka laga yimaadda Qoyska Madaxtooyada oo marwada inta ugu badan qaadato, waxa ugu horreeya Wasiir Xirsi oo isaguna Doorkan qaar ka mid ah Dhallinyarada Xog-haynta u ah ku kexeeyey Fiisayaashii loogu talo galay Xildhibaanada iyo wasiirrada.
Sidoo kale waxa sida qorshuhu ahaa wasiirrada madaxtooyada ku xeerani qoondaysteen in nin walba qayb laga siiyo wixii soo baxa ee Ogolaansho ah, waxana madaxtooyada la dhigay Liisas la garan waayey dadka ku qorani cidda ay yihiin oo ay wateen wasiirro uu ka mid yahay Cukuse oo isagu si dirqi ah ku helay fiisaha sanadkan ee ingiriiska, isla-markaana sii kaxaystay koox xildhibaanno mar-dhoof ah u badan oo farxadda Fiisuhu wajiyadooda ka muuqatay.
Xildhibaanada Madaxtooyada ku xidhan oo uu ugu horreeyo Xildhibaan Nac-nac, ayaa iyaguna Magacyo badan oo fiisayaal loo rabo madaxtooyada keenay, balse CV-gooda oo laga shakiyey ayaa keenay In xafiiska ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa uu ka diido dalabkooda.
Doorkan waxa iyaguna Fiisayaasha Madaxtooyadu ku mashuushay u soo qoystay Kooxo ka tirsan Saxaafadda Madaxa Bannaan oo xukuumadda aad ugu xidhan, kuwaas oo sida la sheegay intooda badani ku Hungoobeen helitaanka Dal-ku-galka ingiriiska, kadib marii ay Badatay tirada dadka ay xukuumaddu dalabkooda dirtay.
Waxa kale oo iyaguna doorkan diidmo kala kulmay Xafiiksa Ingiriisku ku leeyahya Magaalada Addis Ababa Labada majaajilayste ee Madaxtooyada ka qosliya ee Sooraan iyo Jawaan oo liiska Dadka Fiisayaashooda la dalbay ku jiray, kuwaas oo ka mid ah Koox tiro badan oo Masuuliyiini ku jirto oo wali Rumaysan la’ Diidmada la siiyey, kuna maqan Addis Ababa.
Inbadan oo ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumada madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan kuwa sida weyn ugu xidhan Madaxtooyada ayaa la sheeegay in cadho ka kaxday Fiisayaashaas ku maqan yihiin, iyadoo waliba ay doonayeen in Ehelladooda lagu daro dadka ogolaanshaha loo dalbayo doorkan, balse laga diiday.
Qoyska Madaxweynaha, ayaa iyagu qaatay tiradii ugu badnayd ee Dadka la ogolaa, waxana Ayaamahanba waddanka ka baxayey dad sita Fiisaha ingiriska oo haddana aan wax xil ah ka haynin waddanka.
Masuuliyiinta Mar-dhoofka u badan oo Haatan wali jooga Addis Ababa, ayaa la filayaa inay dhawaan soo noqdaan, maadaama aanay Haynin wax yididiilo ah oo ay ku heli karaan Fiisaha ay dalbadeen.
Musuqmaasuqa ka jira Somaliland kuma eka oo kaliya Xatooyada lacagaha iyo Hantida umadda, balse waxa jira meelo ka sii daran oo la isku dulmiyo, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Fursadaha lagu geli karo dalalka yurub oo marka la heloba cid gaar ah lagu naas-nuujiyo, iyadoo mushkiladdu tahay in cidda la siinayaa aanay ahayn mid masuul ah oo u qalanta amaba dawladdaba xil ka haysa, balse waxa lagu siiyaa Qabyaalad iyo dano gaar ah oo ay la leeyihiin Aqalka Madaxtooyada.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
