Uncategorized

“Dhaqaale $ 212 Milyan Ah Dawo Loogama Waayin 850 Mujaahid, Waa Arrin Inna Seegay, Dawladdaana Dadka Ka Masuul Ah” Dr. Sacad Cali Shire

sacad14,May,2014(SDN/QJ)-Jimciyadda Mujaahidiiinta SOOYAAL oo kaashanaya urur Magaciisu yahay Raywan, ayaa bilaabay dedaallo dhaqaale loogu ururinayo Mujaahidiintii SNM ee Maskaxda ka naafoobay, kuwaasi oo xaalad liidata ugu nool deegaanno kala duwan oo dalka ah.

Sooyaal iyo Raywan, ayaa Munaasibaddii ugu horeysay ee kaga dhawaaqeen qaadhaan ururinta ay doonayaan in lagu daaweeyo Mujaahidiinta Maskaxda ka naafoobay, waxa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Mujaahidiin dhowr ah, Madaxa Xafiiska Samo-falka ee wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland iyo dadweyne kale oo badan.

Guddoomiyaha jimiiciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, Xasan Cab
di Maxamed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay xaaladda ay ku sugan yihiin agoonta ay ka tageen mujaahidiintii dalkan xoraysay ee SNM iyo nolosha wakhtigan ee Mujaahidiinta Maskaxda ka naafoobay.

Guddoomiye Xasan, waxa uu xukuumadda ku canaantay in aanay wax qorshe ah u samaynin inay taageerto tafiirta ay ka tageen Mujaahidiintii dalka, waxaanu ku baaqay mar haddii dalka wax badan oo horumar ah laga sameeyay loo baahan yahay in hadda qorshe loo sameeyo Mujaahidiinta dalka u soo dagaalamay “Waar dalkii waad dhisteen oo ilaa Ceerigaabo waddo ayaad waddaan, laakiin dadkii ilaa halkaa xoreeyay diif bay qabaane bal wuxuun kaga dara” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Jimiiciyada Sooyaal, waxaanu intaasi ku daray “SNM, waa loo calaa-calaa oo keliya, dabadeedna waa lagu kala dareeraa oo cidna wax uma qabato..”

Hasa-yeeshee, Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, oo ka mid ahaa Wasiirrada halkaasi ka hadlay ayaa isagu sheegay in aanay ahayn in maanta loo qaadhaamo isla-markaana cid loo baryo Mujaahidiintii u naafoobay xoreyntii dalkeenna, balse loo baahan yahay in xukuumaddu miisaaniyadda u darto lacag lagu daaweeyo.

Wasiir Sacad, oo ugu horeyn isbarbar dhigaya halgankii iyo horumarka maanta ee ka dambeeyay, ayaa yidhi “Innaga oo haysana xorriyad fikriya, innaga oo haysana xorriyad siyaasiya, innaga oo haysana xuquuqal iinsaankii ILAAHAY qofka ugu talo-galay oo dhan, xorriyaddaa aynu ku soo tooseyno ILAAHAY-baa inoo gartay oo inna siiyey, laakiin cidbaa sabab u ahayd, cidbaa u soo halgantay, u soo dagaalantay, u soo dhimatay, u soo dhaawacantay, cidbaa u dayacday danaheedii, waxaynu ku soo toosnaa xasillooni, deganaansho iyo nidaam dawliya, taanna ILAAHAY (SW), laakiin dad-baa u soo hawshooday, dadbaa ka taliyey, dadbaa iska kaashaday, dadbaa iskaga tanaasulay, dadbaa habeen iyo maalinba u soo jeeday, intaasiba xus iyo mahadnaq-bay innaga mudan yihiin”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “halgankii la soo galay dhaawacyo ayaa innaga soo gaadhay, dhimashaa innaga soo gaadhay, dhaawacyadaa waxa ka mid ah mid jidhka ah, dhaawaca ugu weyn ee qof soo gaadhi karaa waa ka Maskaxda, dhaawaca qofka soo gaadhay waxa ka badan ka soo gaadhaya ehelkiisa, qof kasta oo dhaawac ah qofbaa haya oo aan shaqo kaleba hayn” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Markaa haddaynu Somaliland nahay, wax badan oo aynu ku wanaagsan nahay-baa jira, hareeraheenna dabbaa ka hol-caya, laakiin innagu nabad-baynu haysanaa, haddana waxyaalo badan baa jira oo la innagaga fiican yahay, sida xuska dadka taariikhdeenna ku xusan, runtii taasi waa la innagaga fiican yahay”

Wasiirku waxa uu ku baaqay in Mujaahidiinta loo qaadhaamayo Miisaaniyadda wax loogu daro “Waxaynu ka hadlaynaa daryeelka 850 qof daryeelkooda iyo dawadooda, wax badan maaha, arrinka aynu halkan u fadhinaana maaha arrin dhaqaale ee waa arrin abaabul, Miisaasiyaddeenna marka la isku geeyo waa $ 212 Milyan dollar sanadkiiba, dhaqaale $ 212 Milyan ah dawo loogama waayin 850 Mujaahid, waa arrin inna seegay” ayuu yidhi, wasiirka qorshayntu, waxaanu intaasi ku daray “Markaa annigu waxaan qabaa daryeelka Mujaahidiintaasi iyo caafimaadkooda  inaan cidna loo baryin ee loogu daro bajadka caafimaadka ee dawladda”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yidhi “Dawladdu bajad caafimaad-bay leedahay, waxaynu ka hadlaynaana waa wax marka la isku geeyo ilaa $ 100.000 doollar ah sanadkii, waa wax yar, maaha in loo baryo, dawladdaa dadka ka masuul ah, cidda ay saaran tahayna waa inay masuuliyaddeeda ka soo baxdaa…”

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay “Waxa loo baahan yahay in qoladayada xukuumaddu aanu horseed ka noqono (dedaallada lagu daryeelayo Mujaahidiinta SNM), oo aanay noqon dad la hilmaamo xuquuqdoodii” ayuu yidhi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Mujaahid Cabdisalaan Turki oo muddo dheer hawshan kala shaqeynayey Jimciyadda SOOYAAL, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay inay xil iska saareen sidii ay bal daweyn ugu heli lahaayeen mujaahidiinta SNM ee Maskaxda ka naafoobay, isaga oo xusay inay guryaha ugu tageen ku dhawaad boqol mujaahid oo qaarkood naafo ka yihiin Maskaxda.

SDNQJ-Hargaysa

Xigasho:Waaheen

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com