Muqdisho 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho maanta ku yeeshay kulan looga hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah, tayeynta waxbarashada iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa kulanka kaddib u sheegay warbaahinta, in shirka oo uu guddoominayey ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, lagu ammaanay ciidammada qalabka sida oo guulo kasoo hooyey howl-gallo lagu sugayey ammaanka Muqdisho.
Ridwaan ayaa intaas ku daray in wasiirradu aad uga doodeen hindise ay soo gudbisay wasaaradda amniga qaranka, kaas oo ka hadlaya sida loo xakamayn karo hubka sharci darrada ah.
Waxaa kale oo uu sheegay af-hayeenku, in golaha wasiiradu warbixin ka dhageystey guddiga qaran ee waxka qabashada xaaladaha bani-aadannimo ee dalka, kaas oo markale sheegay in ay jiraan dhibaatooyin ka dhashay abaaro ka taagan Soomaaliya oo dhan.
Dhinaca kale, xukuumadda ayaa ugu baaqday ciidammada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM in ay ka soo jawaabaan farriin hore loogu diray oo looga codsaday in ay fududeeyaan sidii gumad loo gaarsiin lahaa deegaannada ay xanibtay maleeshiyada Shabaab, sida uu sheegay af-hayeenka.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa xusay in xukuumaddu waddo qorshe ay daryeel caafimaad oo dibadda ah ugu raadinayso laba carruur ah oo dhawaan iyaga oo isku dheggan ku dhashay magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
