Uncategorized

Qaramada Midoobay oo Cambaaraysay Weeraradii Argagixiso ee Shabaabku ka fuliyeen Soomaaliya

Muqdisho, 9 September 2014(SDN/QJ)– Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarada argagixiso ee shalay ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla Soomaaliya weeraradaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah.

“Waxaan ka naxay dilka loo geeystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, dadkaas oo lagu dilay weeraradii argagixiso ee shalay. Hadana kuwa colaadda wado waxay muujinayaan in aanay u haynin dadka Soomaaliyeed wax aan ka ahayn dhibaato joogto ah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan (dadka) in ay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka inta lagu guda jiro baaritaanka dembiyadan foosha xun si loo xaqiijiyo in dembiilayaasha la horgeeyo cadaaladda si degdeg ah” ayuu yiri SRSG Kay.

“Waxaan sii xoojineynaa taageridda dadka Soomaaliyeed aan ku taageereeyno sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay. Waqtigani waa in uu noqdaa waqti dib-u-heshiisiin (ayada oo laga shaqeynaayo) danaha dhamaan dadka Soomaaliyeed waxaana ku celcelinayaa baaqii Dowladda Federaalka ay u dirtay kuwa diyaarka u ah in ay kasoo laabtaan colaadda oo ay ku biiraan hanaanka siyaasadeed” ayuu raaciyay.

SRSG Kay  wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhamaan dadkii dhibku kasoo gaaray weeraradii argagixiso ee shalay.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com