Uncategorized

Puntland Oo Weerar Ku Qaadday Saldhigyadii Al-shabaab Ku Lahaayeen Buuralayda Galgala iyo Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay

Garowe:Oct,02,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland, ayaa Maalintii shalay weerar ku qaaday Xarumihiii Ururka Al-shabaab ku Lahaa Buuraylada Galgala, waxana arrintaas Ka Hadlay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(gaas).

cabdiweli gaasMadaxweyne Gaas, ayaa shir Jaraa’id oo shalay Galabtii ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ku xaqiijiyey inay Ciidamadu si rasmi ah ula wareegeen gacan-ku-haynta Saldhigyo Muhiim ahaa oo kooxda Al-shabaab ku lahaayeen Buurayda Galgala.

“Waxaa sida lawada ogsoonyahay Cadowga Budhcad diimeedka ah ee argagixisada Caalamiga ah muddo ku dhuumaalaysanayeen Buuraha Galgala,waxay laayeen dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan ,ayna ku jiraan birimagaydo oo ay ka mid yihiin Culimo,,Aqoonyahan,Waxgarad,Haween iyo Caruur. Waxay dhib iyo Culays Badan ku hayeen shacabka Reer Puntland ee ku nool deeganadaas,waxay barakiciyeen kumanaan qoys oo maato ah,waxay khatar ku hayeen isu socdka Ganacsiga iyo Dadka,waxay is hortaageen horumar kasta oo bulsho ee deegaanada ay ku sugnaayen”Ayuu hadalkiisa ku  Bilaabay Madaxweyne Gaas markii uu ka Hadlayey tallaabada ciidankiisu qaadeen.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Kooxdaasi ay Khatar joogta ah ku ahaayen dadka Soomaaliyeed iyo wadamada dariska ah.

 

”Hadaba Maanta oo ay taariikhdu 1-10-2014 waxay ciidamada qalabka sida ee Puntland si geesinima leh ugu qaaden Howlgal Ciidan Buuraha Galgala,waxay ciidanku gabi ahaanba la wareegen saldhigii ugu weynaa ee argagixisadaasi,waxay ciidamadu daba joogaan firxadkii Budhcad diimeedkaasi Khatarta joogtada ah ku ahaa Nolosha iyo Nabadgelyada Mandiqada oo dhan ”Ayuu yidhi Dr  Gaas.

Madaxweynaha maamulkaasi ayaa sheegay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo dhanka  Kooxda Al-shabaab ah dibna ay ka soo sheegi doonaan tirada dhabta ah ee dhimashadaasi iyo dhaawaca gaadhayba.

“Waxaan u balan qaadaynaa Shacbiga Puntland iyo Dariskoodaba in aanu ka difaaci doono Cadow kasta oo Khatar galin kara Diintooda,Noloshooda iyo Maalkoodaba ,waxana Cafis ku eg 30-maalmood (Soddon Maalmood) u fidinayaa dhalinyarada lamarin habaabiyay ee sida khaldan loo Fahansiiyay Diinta Islaamka ” ayuu intaa raaciyay.

Wali lama hayo wax war ah oo kabaxsan sheegashada puntland oo la xidhiidha dagaalka ciidamadu kula wareegeen saldhigyadii Galgala, waxase ay dhegaha dadku maqlayaan inay ciidamadu gacanta ku hayaan saldhigyadii laga caagay ee muddada badan ay kooxda Al-shabaab ka talinaysay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com