Washington 06.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Dalka Maraykanka Mr John Bidden ayaa raalligelin buuxda siiyey Madaxweynaha Dalka Turkiga taasoo ku soo beegmaysa Saacado ka dib markii uu Madaxweynaha Turkigu ka dalbaday Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka
inuu raalligelin ka bixiyo hadaladii uu ka sheegay ee ku saabsanaa in Rajab Dayib ordogan hore u sheegay in ay u ogolaadeen jihaadiyiin ku socda suuriya inay dhulka turkiga sii maraan,
Madaxweyne ku xigeenka maraykanka ayaa la sheegay inuu taleefoon kula hadlay Madaxweynaha Turkiga isagoo u gudbiyey raalligelin ku saabsan hadaladii uu hore uga sheegay.
Sida la ogyahay Ordogan ayaa aad uga cadhooday eedaymihii ku saabsanaa in turkiya ay hore u siisay gacan kooxaha nasra iyo jihaadiyiinka kale ee gobolkaai ka hawlgasha.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
