Nairobi 06.Oct 2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Markii kowaad Daboolka ka qaaday inuu Qaabili doono oo Hor tagi doono maxkamadda dambiyada adduunka, kaddib markii ay Sidaas ka Codsadeen garsoorayaasha Maxkamadu.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Wajihi doona Maxkamada Dhagaraha Adduunka 8 Bishan October, oo Ku Beegan Maalinta Arbacada ee Soo Socota.
Uhru Kenyayya ayaa loo haystaa dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay Xili doorasheedkii 2007-da.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhinac isaga Leexiyay dhamaanba Dacwadaha lagu soo oogay,isagoo sheegay inuu xilka madaxweynaha ku wareejin doono ku xigeenkiisa, William Ruto, muddada uu ku maqan yahay maxkamadda.
Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale dacwad la Xidhiidhta dembiyo ka dhan ah aadminimada soo oogtey Mr William Ruto oo ah Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Isagoo ku eedaysan qeyb ka ah rabshadihii 2008-da.
Dhegeysiga dacwadda Mr. Kenyatta ayaa horey loo filayey inuu dhaco bishii February. Laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigey, iyadoo Dacwad Oogaha Guud ee ICC, Fatou Bensouda, ay sheegtay in dowladda Kenya aaney maxkamadda u gudbin dokumenti muhiim ah oo laga dalbadey
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
