Hargaysa 06.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Sida lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul Waxa uu Madaxweynuhu Tixraacay qoraal ay u soo Gudbiyeen Xisbiga Waddani isla markaana ay dib ugu soo Xuleen Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Dr Maxamed Cismaan Fadal.
Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.
Madaxweynuhu Waxa uu Digreetadiisa ku Yidhi “Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalka Gudoomiyaha Waddani kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.
Sidaas darted Waxa uu Madaxweynuhu Yidhi Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
