Uncategorized

Odhaahda Siyaasiga: Milicsiga dhigaalkii hore iyo dhitada Maanta:Wadankan horta yaa xukuma, awoodii yay gacanta ugu jirtaa?

Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Qormadan milicsiga dhigaalkii hore iyo dhitada maanta, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa waslado uu wargeysku ka soo garoocday qawlkii hore ee siyaasiga iyo ka haatan. Waa weedho is fasiraya oo lid isku ah, isku xidhaya shalay iyo cagidan cadceedeedu aanay weli dhicin, isla markaana biniixis iyo bidhaamin u noqonaya dhacdaba goorteed. Hase yeeshee jimaynta iyo lafa gurka suuraha sadarada dhexdoodu wuxuu gaar u yahay akhristaha.

Mucaaridkii Shalay, Madaxweynaha Maanta:

Baarqabkii mucaaridka ee shalay waa Madaxweynaha maanta talada dalka haya, kadib markuu ku guulaystay doorashadii.Xiligii uu mucaaridka ahaa wuxuu soo jeexay jid dheer, si uu ugu fadhiisto kursiga uu maanta ku fadhiyo. Amaan iyo dhaliil labadaba wuu ku yeelan karaa halgankiisii mucaaridnimo, balse waxaa taariikhda u gashay inuu ahaa ninka la yidhi 80 cod baa lagaaga helay, ee aqbalay, iyadoo ay dunida 3aad ku adag tahay in laysugu hanneeyo kursiga tiradaas oo kale, taasina waxay ka mid ahayd waxyaabihii uu garawshiiyaha dadka kaga helay meertadii danbe.

Haatan aan indhaha ku nasino qayb ka mid ah waxyaabihii ay mucaaridkii shalay ka caban jireen ee ay ku dhaliili jireen dawladii Daahir Rayaale. Weedhahani waxay qayb ka ahaayeen hadal dheer oo madaxweynaha maanta talada hayaa ka jeediyay, madal ay fadhiyeen aqoonyahano iyo qaybaha bulshada kala duwan sanadkii 2008, wuxuu yidhi, “Dimoqraadiyadii iyo nidaamkii dalka u dhisnaa, dawladda maanta dalka ka talisaa dheg bay jalaq u siin wayday, way ka baydhay. Dimoqraadiyada waanu jecelahay iyo in distoorka aynu dhiganay lagu dhaqmo, in sharciyadii dalka lagu soo dabaalo, waanu u taag waynay. Anaga oo qudhi ma ogine idinkuna(dadweynaha) waa og tihiin oo ka war qabtaan in sharciyadii dalka laga talaabsaday, markaa waxaanu doonaynaa inay idinka oo dadweynihii ah idinka soo baxdo oo ay khasab noqoto in sharciyadii dalka lagu soo dabaalo. Wax la dhoob dhoobaa nooma muuqdaan, waxaanu leenahay haloo caddeeyo oo shirkan ha ka soo baxo go, aan la leeyahay ina Riyaalow ama meesha ka dhaqaaq ama distoorkii ku soo noqo. Dalku wuu marin habaabay ee hala yidhaahdo, oo dadweynuhu hanala qaato oo shacbi ahaan haloo qaato, oo hala yidhaahdo ama dalka sharciyadii halagu soo dabaalo ama nidaamka maanta jira halaga tashado”

Mar kale isla sanadkaa hadal uu jeediyay weedhihiisii waxa ka mid ahaa, “Marka aad cid la xisaabtamayso, xaqa iyo caddaaladu waxay tahay cida wax loo dhiibtay in lala xisaabtamo, anaga ma wax baa noo dhiibateen. Xilkaa Anagiyo cida masuuliyada haysaa ma wadaagno ee xilkaasi wuxuu toos u saaran yahay ciddii aad wax u dhiibateen. Xaq waxaad noogu leedihiin markaa wax noo dhiibataan, ee aanu xil qabano, ayaa runtii nalala xisaabtami karaa. Xagee dhigteen, sidee tidhaahdeen, waanu idin dooranay, umaddaanu masuuliyadeedii idiin dhiibnay, maalintaasaa anaga horta la xisaabtan noogu horaynaysa”.

 Mucaaridkii Shalay, Mucaaridka Maanta:

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waa mucaaridkii shalay, maantana waa mucaarid. Shalay waxay Madaxweyne Siilaanyo markii ay mucaaridka wada ahaayeen ka sinaayeen oo ay wadaagayeen, tiraabtaa hore ee gudoomiyihii Kulmiye ee hore kaydka u gashay, laakiin maanta wadaagaasi kama dhexeeyo oo weli caroogii dhaliisha ayuu cudha haystaa. Wuxuu shalay ku dhaliilayay Rayaale iyo wuxuu maanta ku qawadsan yahay saaxiibkiisii waa isku mid, hadaanay ta eeggu ka badnaynba. Mahadhooyinka dhitada milaygan Siilaanyo u galay, oo uu kaga hadlay dhaliilaha xukuumadda talada haysa waxaa ka mid ah, weedhahan oo uu wargeyska Ogaal idiinka soo diiray mulaaxda cod kaydiska. Sanadku waa 2012 kii, mar uu warbaahinta la hadlay, wuxuu yidhi, “Waxa la diidayaa waar aan wada tashano. Rayaale, Aniga iyo Siilaanyo markuu nagu yidhi aan wada tashano, waxaanu ku nidhi, qoraal ku soo qor.Qoraal buu ku soo qoray uu leeyahay distoorkeenaa dhigayee aan wada tashano, waan hayaa gurigaygay taalaa. Markaa wada tashigaa la diidayaa, oo wada tashiga waxa ka soo baxaya, waar dadkan wadanka xukumaa xagee bay ka soo galeen, madaxweyne addaaanu ku dooranaye, sadex sanadood baad joogtaaye, where are you?.

Dadka niyad jab baa ku dhacay, musuqaan yarayn, maamul xumaanta, dawlad is wada garab yaacaysa, yaa wadanka xukuma, Siilaanyo intuu halkaa soo fadhiisto, car waanu doodaynaaye, haka jawaabo su,aalahaa. Wada tashiga waxa nagu kelifay waxa weeye, runtaan idiin sheegayaaye wadankani gacmo khalad ah buu ku jiraa.Madaxweynahaynu dooranay anigu waxan qabaa, in aanuu wadanka si buuxda uga talinin. Waa is xamataane anigu runtaan idiin sheegayaa, awoodii dad aan talada shaqo ku lahayn ayay gacanta u gashay. Lacagtii wadanka oo dhan madaxtooyadaa la geeyaa, laaluush baa lagu bixiyaa, in aan umaddu fekerin,aanay hadlin, hadaan maanta la qaban oon laga hor tegin oon si salmi ah loo qcatsaban, oon la wada tashan oo maxaa inaga khaldan la odhan, waxay inaga tegaysaa fidmo”.

Xigasho Wargayska Ogaal