Uncategorized

Dooxa Dacar Budhuq oo Galabta Gaadhi la Tagay iyo Magacyada Dadkii Saarnaa oo Mid ka Mida la La’yahay

Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Hal qof ayaa Raq iyo Ruux aan la hayn halka Mid kalena laga soo Badbaadiyay kadib markii uu la tagay Galabta gaadhi ay wateen dooxa dacar budhuq.

Photo File
Photo File

Gaadhigan oo ahaa Nooca LandCruser-ka isla markaana ay wateen laba nin oo isu Ilmaadeer ah ayaa Galay Dooxa oo Xiligaas Biyo Xoogani ay ka Rogmanayeen.

Sida uu Khadka Telefoonka Shabakada Qurbejoog.com ugu  Xaqiijiyay Madaxa Xogta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Yuusuf Waxaa Shilkan laga soo badbaadiyay Axmed Xuseen Samatar iyadoo ilaa iminka Nolol iyo Geeri aan lagu hayn Wadihii Gaadhigaas oo lagu Magacaabo Nuux Ismaaciil Samatar .

Ninka la Soo badbaadiyay ayaa Xaaladiisa Caafimaad lagula Tacaalayaa Cisbitaalka Degmada Abdaal.

Dooxa Dacar Budhuq ayaa inta badan Sababa Khasaare isugu Jira Mood Iyo Noolba Waxaana looga digayaa Wadayaasha Gaadiidku inay Xil iska Saaraan Badbaadinta Nafaha ay sidaan isla markaana ay Joogsadaan Marka ay Dooxyadu rogmanayaan una Hogaansamaan Ciidamada Amaanka ee Goobahaas ku sugan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com