Hargaysa 09.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay muhiimadda caddaaladda oo lagu hoggaamiyo dalka, maadaama oo caddaaladdu wax walba sees u tahay.
Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga UCID ku qabtey Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan qabaa in dalkani qabo baahi caddaaladeed, caddaaladi haddii aanay jirin nabadgalyo lama helo, horumarna lama gaadho haddii aanay caddaaladi jirin, burbur lagama baaqsado, haddii aanay caddaaladi jirin, nin kasta oo wax is moodaa baa’ba ayuu ku dambeeyaa haddii aanay caddaaladi jirin. Madaxda UCID, waxaan uga digayaa ballan-qaad aanay fulineynin, waayo taasi way inna tishootey”
Eng. Xaashi waxa kale oo uu sheegay “Haddaad imika eegtaan inta Wasiir iyo xildhibaan ee guryo dhisaneysa, waxaad arkaysaa inay innagu bilaabantay booli qaran oo la boobayo daarihii iyo wixii ummadu lahayd, taana dalkani uma qalmo, waayo waa dal dagaallo ka soo baxay, waxay ahayd in wixii aynu helaba aynu meel gelino”ayuu yidhi,
Waxaanu intaasi ku daray inaan loo ogoleyn idaacadda Radio Hargeysa oo uu sheegay inuu soo iibiyey wakhtigii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa “Markii aan wasiirka ahaa ayaa la yidhi waxa loo baahan yahay idaacad, waanan soo iibiyey, Idaacaddii imika la iima ogola inaan ka hadlo, wixii aad dadka u sheegi lahayd la sii deyn maayo.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
