Hargeysa:Oct,21,2014(SDN/QJ)-Nin Kamid ahaa dadka Deggen Degmada Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa, ayaa Habeenkii xalay ku gawracay xaaskiisii oo u Haysay Tiro ubad ah.
Sida ay sheegayaan wararka saaka na soo gaadhayaa, waxa uu ninkan oo aan wali magaciisa la xaqiijiinini gabadhiisa ku dilay Toorray, isagoo la tilmaamay inuu Middidaas ku Googooyey ilaa ay naftu ka Baxaysay.
Dadka deegaankaaas dilkani ka dhacay, ayaa sheegayaa inuu khilaaf deriska gaadhay u dhexeeyey labadan qof ee is qabay, taas oo keentay inuu ninku xalay saqdii dhexe ku kacay dhacdadaas argagaxa leh.
Ninkan ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanku, waxana ilaa iyo Haatan aan la aasin marxuumaddii uu dilay, waxana saaka argagax badan kusoo kacay dadkii jaarka la ahaa oo dhacdadan ka muragaysan.
Ninkan dilka geysay iyo Haweenaydiisa, ayaa kasoo jeeday Qoomiyadda Gabooyaha loo yaqaano, waxana, Goobtii geeridu ka dhacday iskugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan oo ay isku hayb ahaayeen Marxuumadda dilka loo geystay.
Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo sabata dilkan keentya, waxase ay dadku deriska la ahi xaqiijiyeen inuu jirey khilaaf labada qof dhexdooda laga dareemay.
Dhacdooyinkan oo kale ah, ayaa marmarka qaarkood lagu arkaa gudaha somaliland, waxana ay reebaan riiq dambe iyo argagax ay ku reebaan dadka xaaladahan markhaatigu u ah.
Gudaha somaliland inta badan kama dhacdo in la laayo dadka dilalka arxandarrada ah Geysta, waxana Haatan jeelasha ka Buuxa Dad rag iyo dumar iskugu jira, kuwaas dilal hore geystay, balse dhinaca xukuumadda looga maaro waayey in la qisaaso, iyadoo Haweenay dhawaan lagu helay inay Nolosha ku Aastay Haweenay kale, ay weli jeelka ku jirto inkastoo dil lagu xukumay.
SDN/QJ
