Uncategorized

Maxaa ka Jira in Maayarada Magaalooyinka Burco iyo Berbera ay u Janjeedhsameen Xisbiga Waddani

Nairobi 22.Oct 2014 (SDN/QJ ) Waxaa Maalmahanba magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugnaa qaar ka mid ah maayirada dalka Somalilnd oo u baqoolaya wadanka Finland oo ay ka Heleen martiqaad rasmiya”.


IMG_6188Gudoomiyaha xisbiga wadani ahna Gudoomiyaha Golaha wakiilada somaliland cabdiraxmaan ciro ayaa ka dabatagay si uu maayirada qaarkood Ugu soo xero galiyo xisbigiisa wadani waxaanu ku guulaystay Inuu 3da maayir heshiis qarsoodiya la galo.

“Maayirada ku biiray xisbiga wadani ayaa kala ah maayirka magaalada Burco maxamed muraad maayirka magaalada Berbera cabdikariin cidin Iyo maayirka magaalada ceerigaabo Ismaacil xaaji nuur.”

Heshiisakan dhexmaray maayirada Iyo Gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa xalay ka dhacay hotel ku yaala Magalaada Kenya waxaana uu ahaa mid qarsoodiya oo aan saxafada loo ogolayn Iyo cidkale oo ogaato lakiin waxaa ka shifay markii ay qoraal loo soo diray saxafada lagu sheegayo Inuu gudoomiye ciro kula Kulmay maayirada somaliland Magalaada Nairobi.

Dhinaca kalena xukumada somaliland ayaan la ogayn talaabada ay ka qaadi doonto maayirada ku biiray xisbiga kale madaama Gobolada Iyo degaamada dalka oo dhan yihiin xisbiga kulmiye.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com