Berlin Nov 09, 2014(SDN/QJ)-Dalka Jarmalka ayaa u dabaal degaya sanad guuradii 25aad eek a soo wareegtay kolkii la burburiyay derbi dalkaa u kala jaray Bari iyo Galbeed.
Xogagii Hanti goosadka iyo hanti Wadaaga ee ay kala hogaaminayeen dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa dagaalkii labaad ee dunida ka dib kala baray magaalada Barlin.
Bishii Noneber 10keedii sanadii 1989kii ayaa kacdoon ka bilowday magaalada Berlin waxa lagu dumiyay derbigii magaalada kala barayay oo dherekiisu ahaa 15 Km.
Haatan inkastoo dalka Jarmalku noqday dalka ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa hadana Bariga dalkaasi weli aanu soo gaarin Galbeedka.
Waxaase haatan ka taliya Hogaamiyeyaal ka soo jeeda Bariga, waxaana si aayar ah dalka u fiday barwaaqadii Galbeedka.
Caawa saqda dhexe ayaa xaflad balaaran o Berlin lagu qabanayo waxa loogu dabaal degi doonaa midawgii dalkaasi.
SDN/QJ-Berlin
contact@qurbejoog.com
