Berlin Nov 09,2014(SDN/QJ)-Hogaamiyihii hore ee dalkii Midawga Soviet ee Mikhail S. Gorbachev ayaa ka hadlay xiisadaha colaadeed ee dib uga soo cusboonaaday dalalka reer Galbeedka iyo Ruushka.
Hogaamiyuhu waxa uu sheegay dalalka reer Galbeedku ismoodeen in ay gebiahaanba ka guuleysteen dalalkii reer Bariga ee Ruushku hogaaminayay.
Waxase uu sheegay in haatan dunidu dib u gashay dagaal qaboow oo cusub oo ka dhashay taageradii Ruushku u fidiyay kooxaha Gooni isutaaga aaminsan ee bariga Ukraine.
Mikhail S. Gorbachev oo ahaa hogaamiyihii u dhameeyay hanaankii Hanti wadaaga ee dallaka reer Bariga.
Hogaamiyuhu waxa uu sheegay in kala fogaashaha Ruushka iyo reer Galbeedku ay sababtay in xal loowaayo xaaladaha haatan dunida ka Jira.
Mikhail S. Gorbachev oo saxaafada ugu waramay magaalada Berlin oo u dabaaldegeysa burburintii derbigii kala dhexyiil bariga iyo galbeedka magaaladaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda Ruushka laga qaado cunaqabateynta lagu soo rogay.
“Hadaan cunaqabteynta laga qaadin Ruushka isla markaana aan la wada xaajoon waxa dhici doonta in Yurub awoodeedu weeqanto”ayuu yiri Gorbachev.
Si kastaba ha ahaatee Ruushka iyo Mareykanka ayaa ku kala fog sidii xal looga gaari lahaa xaaladaha Syria iyo Ukraine.
SDN/QJ-Berlin
contact@qurbejoog.com
