Uncategorized

Haweenay Soomaaliyeed Oo Ku Guulaystay Billad Urur Yuhuuddu Leedahay Bixiyaan

London:Nov,10,2014(SDN/QJ)-Haweenay  soomaaliyeed oo Da’yar isla-markaana wax ka qortay arrimaha Cunsuriyadda iyo Kala Faquuqa Bulshada, ayaa ku Guulaystay Billad ay si weyn uga soo horjeedaan Dad muslimiinta ahi, taas oo ay Bixiyaan urur  ku shaqeeya Afkaarta Yuhuuddu.

preHaweenaydan oo lagu magacaabo Bilan Osman, ayaa Heshay  billada lagu magacaabo Elsa-priset iyadoo la siin doono 20.000 Koron, taasoo u dhiganta 2700,94 US Dollar.

Bilan ayaa isbuuciiba mar mowduuc ku qorta bogga caanka ah ee Expressen, iyadoo sidoo kale macalin ka ah hay’ada Expo.

Bilada Elsa-priset ayaa waxaa bixiya urur lagu magacaabo Svenska kommittén mot antisemitism (SKMA) kaasoo ka shaqeeya is hor istaaga naceybka ka dhanka ah Yahuuda, waana urur ay ku midoobeen dad Yahuud u badan oo siyaasadiisu ku saleysan tahay afkaar Yahuudeed.

Ururka oo ka hadlaya sababta Bilan loo siiyay billadda, ayaa waxa ay sheegeen “Anagoo eegayna sida xooga leh oo ay uga soo horjeesatay nuucyada cunsuriyada ee ka dhanka ah dadka Afrikaanka, Muslimiinta, romada, yuhuuda iyo dadka kale ayaa Bilan ay tahay cod xoog leh waqti ka hortaga cunsuriyda uu yahay mid aan waxtar lahayn”

Bilan oo ka hadlaysa bilada la siiyay ayaa sheegtay in lacagta ay u isticmaali doonto in ay safar waxbarasho ku tagto xerada Auschwitz oo ku taala Poland taasoo ah goobtii uu Hitler ku gubay yuhuuda dagaalkii labaad ee aduunka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com