Uncategorized

Dhallinyaro Rabshado Ka Waday Xaafadaha Caasimadda Hargeysa Oo Xalay Saldhigyada Buux-dhaafiyey

Hargeysa:Nov,11,2013(SDN/QJ)-Ciidanka Booliska somaliland, ayaa Habeenkii xalay Magaalada Hargeysa ka Fuliyey Hawlgallo ballaadhan oo lagu xidhxidhay dhallinyaro tiro badan oo rabshado ka wadday xaafado kala duwan oo magaalada ah.

imeegDhalinyarada la qabqabtay ayaa la sheegay in laga uruuriyay waddooyinka, Meheradaha Shaaha laga cabo iyo goobaha Internet Coffe-ga laga isticmaalo,waxana dhammaantooda lagu shubay saldhigyada kala duwan ee boolisku ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Qaar kamid ah  ehelada dhalinyarada Bilaysku xaaqay, oo sheegay inay saldhiga u booqdeen si ay carrurta laga xidhay Gogol ugu geeyaan ayaa sheegay in loo diiday inay arkaan dhalinyarada ka xidh-xidhan.

Waalidiinta ayaa loo diiday inay Gogosha u geyaan dhalinyarada ka xidhan, isla markaana lagu celiyay waxkasta oo ay u sideen marka laga yimaado cashada oo dirqi loogu ogolaaday.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in howl-galkani ku soo beegmay laba habeen kaddib markii ay Dhalinyaro shuftooyin ahi rabshad iyo Dagaal koox-koox ah ay ka sameeyeen agagaarka Isgoyska Xero-awr ilaa Jidka If iyo Akhiro.

Hase ahaatee waayeelka xaafadu waxay ku dooddeen inaan la qabqaban oo qudha kuwii dhibaatada amni darada ah lagu eedeynayay ee Arday Jaamacado ka soo rawaxday iyo kuwo iskaga caweynayay goobaha lagu kulmo la qafaashay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Saldhiga howl-galka fuliyay oo looga hadlay ujeedada ka dambeysa, hase ahaatee dadka deegaanku waxay cadeeyeen inay howl-galka ka qayb qaadanayeen Ciidanka SPU-da ee loogu talo-galay la Dagaalanka Argagixisadu.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com