Waxaa maqaalkan igu kalifay qudbaddii Siciid Cilmi Rooble ee maanta uu Berbera la socday weftigii Waddani. Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbigga talladda haya ee Kulmiye ayaa dhawaan sheegay inay ka eryeen xisbigga Kulmiye mudane Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland dhowaana ay xaflad weyn oo soo dhaweyn ah ay u sameeyeen xisbigga mucaaridka ah ee Waddani. Haddaba sidee bay ku dhacday in xildhibaan uu leeyahay Kulmiye waanu erinay oo xisbigga ka saarnay ay xisbiga kale ee mucaaridka ee Waddani si weyn u sharfo oo u soo dhaweeyo. Mida kale misaan intee le’eg buu Xildh Siciid Cilmi Rooble (Ina Bowbowle) uu ku leeyahay gobolka Saaxil oo hore looga soo doortay?Cod miyuu ka keeni karaa beesha uu ka soo jeeddo. Arrimahaasi ayaan lafo guri doonaa inshallah.
Taariikhda aynu dib ugu noqono. Horta Xildh Siciid Cilmi Rooble waxa ay isku hayb yihiin madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHUN) iyo Musharaxa madaxweyne ee xisbigga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Sida ay dadku ka wada dheregsan yihiin in uu Siciid Cilmi Rooble uu mar walba siyaasad ahaan ka soo hor jeeday labaddaa nin ee ay isku haybta wadaagaan. Xilligii Cigaal wuxuu raacsanaa mucaaridkii uu hogaaminaayey mudane Saleebaan Gaal oo xilligaasi madaxweyne Cigaal mucaarid weyn ku ahaa. Imikana xilligii Jamaal Cali Xuseen siyaasadda soo galay waxaabu si weyn ugu jiray Kulmiye; markuu digorogtayna ee ay reer Kulmiye dhulka la dhaceen ilaa madaxtooyaddii laga mamnuucay inuu soo galo; wuxuu door biday inuu labadda Waddani ku biiray, halka ay dad badan ka eegayeen inuu UCID ku biiro maadaama ay siyaasadda Somaliland noqotay reero iyo qabiil iyo gobalaysi.
Haddaba miisaan intee le’eg ayuu leeyahay Siciid Cilmi Rooble oo uu dad deegaankiisa ah ugu keeni karaa xisbigga Waddani? Anigu shakhsiyan markaan u dhuun galay dadka ka tirsan deegaanka uu Siciid ka soo jeeddo waxay yidhaahdaan laba qodob; 1. Siciid Cilmi Bowbowle wax miisaan ah kuma laha beesha uu ka dhashay sababtoo ah hore ayuu u waalay beeshaasi oo uu Siilaanyo ugu ololeeyey, maantana waata aanu ka xunahay; markaa hadal uu na yidhaahdo ma aaminii karno; bilaa maantana Cirro nagu waalaa oo weliba Cirro oo madax 10 sanadood Baarlamaanka ka ahaa; recordkiisana waa la yaqaan wuxuu gallo iyo wuxuu guddo. 2. Waxay nimanka ay Siciid isku haybta yihiin ku doodaan in Siciid isagu uu yahay nin rabba shilimaad iyo xil yar, halka hanka Jamaal Cali Xuseen uu ka weyn yahay oo uu madaxweynino u rabbo dalkana bedbaadiyo. Waxa kale oo nimankaas ay Siciid isku haybta yihiin ku doodaan in aanay jirin niman Cirro ay isku hayb yihiin oo iyaguna taageeray Jamaal Cali Xuseen ma hayno; taasina ayna na tustay in ay qabyaalad isku wadda raaceen. Maxaa ay reerka Cirro u yeellan waayeen mid sida Siciid Cilmi Rooble oo kale ah oo raaca Jamaal Cali Xuseen. Haddaba reerka uu ka soo jeeddo Siciid Cilmi Rooble waxay u arkaan inuu yahay nin jecel inuu meesha qudhaata ka ahaado Ciise Muuse oo uu magaca reerka ku shaqaysto lacagna ku doonto isagoon wax taraynin; waana tabtii uu ka sameyn jiray Kulmiye oo uu keligii reerka kaga jiray. Waana ciyaaraha uu jecel yahay Siciid Cilmi Bowbowle; markaa Waddani waxba yaanu isku wareerin Siciid oo weliba aan xildhibaanimo aanay u ogoleyn beesha cabdalle Qoyan ee uu ka soo jeedo doorkan, imikana ay Siciid Cilmi Rooble ku adkaatay xataa dhex galkii reerka isagana ay ku keentay miisaankiisii siyaasadeed iyo sharaftiisii oo mar qudhaata dhulka gashay. Siciid wuxuu yidhi “Daahir baa ka nixi lahaa? haddana Siilaanyo ayaa ka nixi baan lahaa? haddaba maanta Cirro ayaa ka nixi baan leeyahay?” yaab waar Cirro 10 sanadood buu Baarlamaanka Gudoomiye u ahaa, Berbera ayaanu ka soo baxay 2005 tii; muxuu u qabtay Berbera intii uu Baarlamaanka fadhiyey? Siciidoow mr Ina Bowbowle; waa halkaagiiye Salaa caleek Jiib noo taani; Khuuro kale keen; waa intii aan kugu naqaanaye. Mahadsanidiin akhrisayaal
Ali Abdi Faarax
USA
