Uncategorized

Fadhigii Maanta Ee Baarlamaanka Somalia Oo Loo Baajiyey Anshax-marin Lagu Samaynayo Mudanayaal Shalay Buuqa Sameeyey

Muqdisho:Nov,12,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye Jawaari ayaa Go’aan ku gaadhay inuu Hakiyo Kal fadhigii Baarlamaanku maanta iskugu iman lahayeen xaruntooda Magaalada Muqdisho, maadaama uu shalay buuq badani dhashay.

bqTallaabada uu Guddoonku ku Hakiyey Kalfadhiga, ayaa waxay ka dambeysay inaanay dhicin mid lamid ah dhacdadii shalay ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Somaliya, iyadoo Xildhibaanada la safan Ra’iisal Wasaaraha, ay si weyn uga horyimaaddeen qabsoomada kulanka ay lahaayeen Xildhibaanadu.

Habeenimadii xalay, ayaa waxaa Xildhibaanada teleefanadooda gacanta loogu diray fariimo (Short message service “SMS”), waxaana lagu wargeliyay in kulankii maanta la baajiyay.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa ku waramaaya in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu maanta Xarunta Villa Hargeisa uu kulan kula leeyahay Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka, si tallaabo looga qaado Xildhibaanada buuqa iyo sawaxanka sameynaaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo xalay soo saaray fariin muuqaal ah, ayaa wuxuu ku sheegay in Xeer Hoosaadyada uu ku jiro sharci qabanaaya, Xildhibaanada arbushaada abuureysa.

Maanta, ayaa lagu waday in hore loo sii amba qaado mooshinka loo gudbiyay Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, ha yeeshee dareen laga muujiyay in natiijo la’aan uu ku soo dhamaado.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com