Washington:Nov,12,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inaanay ka qaybgeli doonin shirka dhawaan Deeqbixiyayaasha iyo soomaalida ku dhexmari doona Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Maraykanku ergo uga qayb gasha usoo dirsan doonin shirkaas. Go’aankaas isaga ah waxaa loo sababeeyey khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Dowladda Maraykanku waxay sidoo kale sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka haseyeeshee dadka Soomaaliyeed dani ugu jirin mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala laabto xukuumadda. War-saxaafadeedkaas wuxuu u qornaa sidan:
Dowlada Maraykanku waxay cadeyneysaa inay ka walaacan tahay jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya. Mooshinka la doonayo in loo gudbiyo baarlamaanka si loogu codeeyo in kalsoonida lagala laabto Ra’iisul Wasaaraha wax dan ahi uguma jirto dadka Soomaaliyeed.
Dowlada Maraykanku dhex dhexaad ayey kasii ahaaneysaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxan sii joogteyn doonaa inaan taageerno mabaadi’da heshiiskii Higsiga Cusub, kaasoo ujeedadiisu tahay in la dhiso qaranimada, amniga, dimuqraadiyadda, midnimada iyo Soomaaliya oo federal ah.
Maadaama madaxda Soomaalidu ku kala qaybsameen khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, Dowlada Maraykanku muhiimad weyn uma aragto inay wafdi u dirto shirka looga hadlayo waxa ka qabsoomahay barnaamijka Higsiga Cusub ee todobaadka soo socda ka dhici doonta magaaada Copenhagen.
Waxan kala mideysanahay beesha caalamka in Dowlada Federaalka Soomaaliya lagu dhiiri geliyo sidi ay si buuxda ugu gaari lahayd himiladeeda sanadka 2016 iyo weliba in laga gudbo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed taasoo caqabad ku ah howsha muhiimka ah ee dalka lagu mideynayo iyadoo la raacayo hanaanka federaalka.
Laba maalmood kahor wafdi ka socda dalka Maraykanka oo wakiilka USA ee Somaaliya hogaaminayey ayaa Muqdisho kulan kula qaatay labada mas’uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka, kulankaas ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday maadaama Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ka madax adaygeen inay si dhaqso ah xal ku gaadhaan, si gaar ah waxaa taas uga madax adaygay Madaxweynaha oo sheegay in isaga iyo Cabdiwlei Shiikh sii wada shaqeyn karin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
