Uncategorized

Raysal Wasaaraha Somalia oo awaamiir adag faray Golihiisa Wasiiradda ee Sheegay inay u Gudbiyeen Dalab ku aadan inuu Is Casilo

Muqdisho 17.Nov 2014 (SDN/QJ)- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay Qoraal ay lix iyo toban Wasiir oo Wasiirrada Xukuumaddiisa ka tirsani u gudbiyeen Insiintii maanta, isla markaasna ay kaga dalbadeen inuu iska casilo Raysal-wasaaruhu xilka uu haya.

Kulanka_Golaha_Wasiirada_Dowladda_Somalia_11-300x200Hase-yeeshee, Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa qaaddacay dabalabka ama soo jeedinta lix iyo tobanka xubnood ee Golihiisa Wasiirrada ka tirsan ee ah inuu is-ka casilo xilka uu hayo. Waxaanu xusay in Wasiirrada Xukuuumadda laga doonayo inay howlahooda u gutaan si waafaqsan dastuurka dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha ee Villa Soomaalya ee magaalada Muqdisho isla Isniintii maanta, ayaa lagu sheegay in markuu Raysal-wasaaruhu arkay qodobka 97-aad ee dastuurka Soomaaliya, faqradihiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad. Markuu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka farqradihiisa (a) iyo (b), markuu tixgeliyey waqtiga adag ee uu dalku marayo, wuxuu go’aamiyay, qodobbadan hoose ku qoran oo u dhignaa sidan:-

“1. In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay hawlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyadda dalka, isla markaana aanay qayb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dedaalka Xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016-ka.

  1. Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxadda dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana aanu aqbali doonin wax Alla iyo wixii ka horjeeda dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dawladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.
  2. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aanu ka leexan doonin waddada sharciga ah, wuxuuna uga mahad-celinayaa dadweynaha, Xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka taageerada siiyay Xukuumadda iyo hoggaankiisa.
  3. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta dalka iyo dawladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.
  4. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu soo dhaweynayaa dedaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan Qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.”

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa maraya heerkii ugu sarraysay, isla markaana gaadhay heer uu kala qaybiyo Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka oo u qaybsamay Garab la safan Madaxweynaha oo Mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Golaha ka keenay iyo Garab ka soo horjeeda oo Raysal-wasaaraha la safan oo khalkhaliyey fadhiyadii Baarlamaanku yeelan lahaa.

Waxaanay Mudanayaashaas taageersan Raysal-wasaaraha labadii toddobaad ee u dambeeyey markasta oo in Baarlamaanku furmo la isku dayo qaylo iyo buuq ka dhex bilaabayey fadhiyada si aanay u suuragelin in mooshinka Raysal-wasaaraha laga keenay Shir-guddoonku u soo gudbiyo Mudanayaasha si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com