Mogadishu Nov 18,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo hoggaaminaya hal wafdi oo Soomaaliya ka socda ayaa maanta u ambabaxay Copenhagen si uu uga qeybgalo shirka Heerka Sare ah eoo looga hadlayo horumarka laga sameeyey New Deal.
Shirkan Heerka Sare ah ayaa waxaa gogosha dhigtay Dowladda Denmark, iyadoo shirkana aya wada shir-guddoominayaan Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayna ka soo qeybgalayaan in ka badan 140 oo ka kala socda 59 dowladood.
Ujeedada shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa ah in dib-u-eegis lagu sameeyo waxii qabsoomay muddadii halka sano ah ee New Deal-ka looga dhawaaqay Brussels bishii September 2013. New Deal-ka ama Somali Compact ayaa ahaa qorshe si wadajir ah ay Soomaaliya iyo beesha caalamka ay si siman oo furfuran oo isla xisaabtan leh looga wada shaqeynayey. Heshiiskan New Deal ayaa ahaa mid ay Soomaali hoggaamineysey isla markaasna dhammaan howlaha la qabanayey ay ahaayeen kuwo ay Soomaalidu soo diyaariyeen isla markaasna la tashiyo lala sameeyey gobollada iyo maamulada dalka ka jira.
‘Soomaaliya ayaa horumar ballaaran oo la taaban karo ka sameysey dhinacyo badan, oo aasaaska loo dhigay nidaamka federaalka, sharuuc badan la diyaariyey, iyo maamul wanaag lagu tallaabsaday. Sidoo kale horumarka la sameeyey waxaa ka mid ah dhanka dib u heshiisiinta, is-gaarista iyo xiriirka dowladaha deriska iyo caalamka, iyadoo hay’adaha dowligana ay noqdeen kuwo si wanaagsan u shaqeeya,” ayuu yiri Madaxweynaha isagoo ku sii jeeda Copenhagen.
Sidoo kale waxaa guulo waaweyn laga sameeyey dhanka amniga iyo xasilinta oo inta badan gobollada dalka ay gacanta dowladda ku jiraan ka dib markii ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno fara badan oo ay gacanta ku hayeen. Dowladda iyadoo kaashaneysa beesha caalamka ayaa waxaa dib loo dhisay jidad fara badan, isla markaasna lagu xiray nalalka qoraxda ku shaqeeya, waxaa la dayactiray oo la howlgeliyey xarumo caafimaad, waxaa dib loo howlgeliyey iskuuladii dowladda oo ardeyda ay lacag la’aan ku dhigtaan, waxaa dib loo dayactiray garoomaha diyaaradaha iyo dekedaha dalka, waxaa shaqo loo abuuray dhalinyaro faro badan. Arrimaha kale ee horumarka ballaaran laga sameeyey ayaa ahaa dhanka maamulka iyo maareynta maaliyadda oo maanta si cad u muuqata howlaha balllaaran ee lagu hagaajiyey maamulka iyo maareynta maaliyadda.
‘Hase yeeshee intaas kuma ekaan karno ee waa inaan sii wadnaa dadaalka la sameeyey labadii sano ee ugu danbeysey.” Ayuu yiri Madaxweynaha
“Waa inaan labada sano ee soo socota aan si deg deg ah waxqabadka u sii wadnaa oo aan mudnaanta koowaad siinaa dejinta sharuucda muhiimka ah, sameynaa guddiyada muhhimka ah iyadoo aan wadeyno wadatashiyada bulshada sidii aan u dhameystiri laheyn barnaamijka Hiigsiga 2016.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Madaxweynaha.
SDN/QJ-Muqdisho
