Uncategorized

Canbaareyn Mug leh oo ku wajahan Xukuumada Siilaanyo ee dhinac walba ugal-galan​eysa sidii neef bireysan

Anaga oo ah Gudida Qurbo joogta Subeer Awal ee Boqortooyada ingiriiska UK , waxaanu ka soo horjeednaa oo Canbaareyn wadareed mug leh, cod-dheer ugu soo jeedineynaa Xukuumada Siilaanyo ee ku caanka baxdey beryahan danbe hagardaamooyinka iyo hadimooyin badan ee aanu dalku qaadi kari : Waxaanu diidanahay qodobadan hoose:
1- Cabsi gelin , cago jugleyn iyo xasuuq shacab aan hubeysneyn loo isticmaalayo Ciidanka RRU-da.
2- Kala qo-qobka , qaraabo kiilka iyo qabyaalada qaawan ay ku wiiqeyso wada jirka shacabka.
3- Musuq-maasuqa , boobka qaawan ee ay ku tagri falayaan wasiiradeedu hantidii ummadda.
4- Cago jugleynta, cabsigelinta, xadhiga iyo cabudhinta xoriyatal qawlka iyo Saxaafada xorta ah
5- Boobka shaqsi jeclaysiga  ah ee ay ku hayso Guryihii dawlada iyo dhulkii danta guud ahaa ee qaranka
6- Qorsheyaasha qariban ee ay ku maleegayso mooshinada inqilaabka ah ee ay kula kacdey Golaha Wakiilada.
7- Khal-khal gelinta xasiloonida guud ee amniga iyo nabadgelyada guud ee dalka.
8- Mijo xaabinta milgihii iyo haybadii qaranka ,hagaasinta horumarkii bulshada iyo hanaankii dawladnimo.
Mar hadii  himilooyinkii uu shacabku ku taamaayey ee uu higsanaayey la baal marey,Doorashooyinkii la filaayey in ay wadanka ka dhacaan 26/6/15 ay xukuumadu gelisey mugdi iyo mad-madow badan Waxaanu ku boorineynaa shacab weynaha  reer Somaliland in ay ugurmadaan dalkooda oo ay talo mideysan oo qaran ku badbaadiyaan. dalkooda hadii ay doorashooyin xor ah oo xalaal ahi ay wadanka ka dhici waayaan waqtigii loogu talo galey.
Allaa Mahad Leh
Waa Bilaahi Towfiiq
Gudida Subeer Awal ee UK
London