NY Dec 04,2014(SDN/QJ)-Xeer beegti dhegeysaneysay baaritaan lagu sameeyay askari xuurto ama ceejin ku dilay nin Madow magaalada NY ayaa goaamiyay in askeriga aan lagu soo oogin wax denbi ah.
Ninka Police-ku naqaska ku dhejiyeen ee Eric Garner ayaa waxa muuqaal la duubay laga daawan karaa isaga oo leh ma neefsan karo 11 jeer intii aanu miyir beelin.
Laamaha cadaalada ee Mareykanka ayaa lagu eedeeyay bilihii u danbeeyay in ay garsoon cuntamo ku ridi waayeen dilal dhawr ah oo Police-ku kula kaceen dilal suaalo badan la iska weydiiyay.
QM ayaa ka mid aheyd inta walaaca ka muujisay garsoorka Mareykanka eek u wejahan dilalka askart cadi u geystaan dadka Madoow.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dib u eegid lagu sameeyo hanaaka Police-ku ula macaamilaan dadka madow.
Waxa gooankii manta ka dib ayaa magaalada NY waxa isqabsaday isu soo baxyo lagu xanibay isku socodka gawaarida.
SDN/QJ- NY
contact@qurbejoog.com
