Waxa Igu maqaalo ah in 15/01/2015 loo asteeyay in dib loo bilaabo wada hadaladii hakaday uu dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, oo sida la sheegay lagu qaban doono magaalada Stanbuul ee wadanka marti-geliya wada xaajoodka ee Turkiga.
Wada hadaladaasi dad badani waxay ku hayaan naxdin, waayo waxa aan Somaliland gacanta ku haynin Madaxweyne soo jeeda, waa la isla arkaa inuu shimbiraysan yahay madaxweynihii oo isteerinkii dawladnimo ay la ciirciirayaan rag layli ah oo marna ku tababar qaadanaya awoodaha aanay lahayn, marna doonaya inay ku tanaadaan oo ay si taban u manaafacaadsadaan. Nasiibkooda ayaa siiyay, Somaliland-na masiirkeedii sidaasi ka dhigay.!
Waxaan uga xumaado wada hadalkan waxa ka mid ah Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku siman yahay kaliya iyadoo la yidhaahdo “Labada Madaxweyne u faq-daaya” oo labada wefti ee labada dhinac ka kala socdaa dibada ha uga baxaan shirka. Haddii taasi dhacdo maxaad ka filaynaysaa meesha!.
Runta oo gaaban haddii aan isu dhiibno waa in madaxweynaha Somaliland hadhuudhlaha lagu daro oo uu iska duryamo oo dawlada Turkiguna xaqiiqsato xanta laga yaabo inay hore u haysay. Waxa madaxweynaha ka soo hadhi doonta “Somaliland, Somaliland, Turkiga Iyo Soomaaliya, Xirsi iigu yeedha,” iyo ereyo kuwaas la macno ah oo aan qiyaasi karayno.
Waxa suurowda inuu cadow iyo nasteex-ba inoo jabiyo, waayo la yaab ma laha oo waa qof wax walba loo go’aaminayo oo awoodiisii dabiiciga ahayd tasowday.
Waxa weftiga Somaliland ee wada hadaladan uga qeyb geli doona aan ku dardaari lahaa haddii dawlada Turkigu tidhaahdo mar labada madaxweyne ha la isu daayo oo gooni wax ha iskula jilciyaanne’ taas yay aqbalin. Waa lagu kashifmi maalintaas oo waliba waxa suurto gal ah inay Wasiirradu ka xishoodaane’, waxa arrintaas diidi doona xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ee ha lagu daro weftiga wada-xaajoodka uga qeyb geli doona Somaliland.
Marka aan sidaas xaalada madaxweynahayga uga dayrinayo ma aha inaan habaarayo, ma aha inaan cadowga u heerayo, laakiin arrintani waa xan jirta oo waliba labadii sannadood ee u dambeeyay aad u xoogaysatay, waxaana laga garanayaa hadal yaraanta madaxweynaha gooabaha uu ka khudbadeynayo, waxa tusaale cad u ah inuu maalin cad madaarka Hargeysa oo uu ka hadlayay ka yidhi “DAWLADDA USIAD WAY MAHADSAN TAHAY, ISAGOO U JEEDAY “HAAY’ADDA USAID WAY MAHADSAN TAHAY”
Madaxweyneyaashii ka horeeyay gaar ahaan madaxweynihii uu xilka kala wareegay Mudane Daahir Rayaale Kaahin Iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal, marka xaalado wadanka ka aloosan yihiin waxay u yeedhan jireen warbaahinta gaar ahaan Telefishanada iyo jaraa’idka oo ay odhan jireen su’aalo na weydiiya, ka dibna Weriyeyaasha iyo Madaxweynuhu way kala bogan jireen,balse Madaxweyne Siilaanyo waa nin khafis ku jira oo kale ma jirto inuu hal maalin uu saxaafadda u yeedho,si uu ugu yidhaahdo xaalada wadanka wax iga weydiiya! Taasi waa ma dhacdo oo la waa shantii afar sannadood iyo dheeraad uu xilka hayay.
Waxase afar erey oo uu ku margado ka tabac-tabac siiyaa maalinta uu madaarka ka soo dego oo waliba su’aalo badana aan loo ogolaanin suxufiyiinta.
Marka sidaas xaalku yahay miyaad dood adag ka filan kartaa inuu la galo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah khaa’in aftahan ah oo aad u dhiirdhiiran. Dabkay doontaba ha kulaashee waa in aan madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xasanka Muqdisho loo faq dayn marnaba oo aan la aqbalin in labada madaxweyne ay kaligood falanqeeyaan wada hadaladan ribaday ee socon waayay.
