Muqisho:Dec,05,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Dalka Somalia oo Mooshinka isaga ka dhan ahi yaalla Mudanayaasha Hortooda, ayaa jawaab ka Bixiyey Qoraal Guddoomiye Jawaari ugu baaqay inuu iska difaaco eedaha loo haysto.
Guddoomiye Jawaari ayaa dooddii shalay ee mudanayaasha dhexdooda ka socotay kaga dhawaaqay inay soo gaadhay jawaabta Ra’isal wasaaraha oo noqotay inaanu diyaar u ahayn inuu Mudanayaasha Hortooda iska difaaco, waxana uu tilmaamay inuu xusay inuu ku kalsoon yahay Mudanayaasha oo kaliya.
Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay inuu kalsooni Buuxda u hayo Mudanayaasha Golaha Jooga, waxana intaas uu ku daray inuu ixtiraamayo Rabitaanka Mudanayaasha, isla-markaana u eegi doono bal sida ay wax u dhigaan.
Waxa uu iska diiday inuu difaac ka gala eedaha loo jeedinayo, waxana ay arrintani muujisay sida uu Ra’isal wasaare Cabdiweli iskugu qabo kalsooni ah inuu ka Badbaadi karo Mooshinkaas oo sida muuqata haysta Taageero badan oo dhinaca Mudanayaasha ah.
Maalinta Sabtida Berri ah ayaa loo ballansan yahay in mooshinkan dabaysha ahi soo afjarmo, waxana labada dhinacba ay diyaarsadeen Istaraatiijiyad ay kaga Bixi karaan wixii intaas ka dambeeya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
